20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (SOCWE) oo 30-gabdhood u soo gabagabeeyay tababar la xiriira ku shaqeynta Computer-ka

- Advertisement -spot_imgspot_img


Jimco, December 22, 2006(HOL): Tababar soconayay muddo 3-bilood ah oo tababar lagu siinayay 30-gabdhood ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho, iyadoo shahaadooyin la guddoonsiiyay gabadhaas dhameystay tababarka Computer-ka.

 

Xafladda lagu guddoonsiinayay gabadhahaan shahaadooyinka ka turjumaya barashada Computer-ka oo ka dhacday Hotelka Muqdisho (Ex-Daamey) ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda SOCWE Safiyo Abuukar Karaani oo sheegtay in Ujeeddada tababarkan uu ahaa sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen aqoonta haweenka, isla markaana ay u bari lahaayeen xirfado ay haweenku ku shaqeystaan.

 

“Waxaa si weyn nooga gacan-qabtay hirgelinta Mashruucaan Hay’adda MUSLIM AID-UK, oo naga saacidday qalabka iyo tas-hiilaadka kale ee tababarkaan lagu fuliyay, waxaana u soo jeedinaynaa Mahad ballaaran, waxaana rajeynaynaa inaan dib u billowno tababarro kale oo aan siinayno haweenka Soomaaliyeed” ayay tiri Safiyo Abuukar Karraani oo ah guddoomiyaha Hay’adda SOCWE oo sheegtay in ururkoodu uu gacan qabto haweenka Sooaaliyeed.

 

Sidoo kale Safiyo Abuukar Karaani waxay si weyn ugu nuuxnuuxsatay inay ka go’an SOCWE ahaan inay kor u qaadaan garaadka aqooneed ee haweenka Soomaaliyeed, isla markaana ay caawinayaan mar walba haweenka si ay u baraan xirfado ay ku shaqeysan karaan, maadaama haweenku ay yihiin udub dhexaadka Bulshada Soomaaliyeed.

 

“Tababarkaan aan soo gabagabeynay ma noqon doono mid halkaan ku ekaan doona, balse waxaan billaabi doonnaa dhawaan tababar aan u sameyn doonno haween gaaraya 120-haween ah, waxaana bari doonnaa: Adeegsiga Computer-ka  iyo xirfado kale oo ay ku adeegan karaan haweenkii nasiibka u yeesha inay tababarka soo socda qayb ka noqdaan” ayay mar kale tiri Safiyo Abuukar Karaani oo ah guddoomiyaha SOCWE.

 

Waxaa isna halkaas ka hadlay Samuel Onkendi oo ah Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda SOCWE oo u dhashay Kenya, wuxuuna ku dheeraaday tababarrada ay bixiso SOCWE, wuxuuna kadib mahadcelin ballaaran u jeediyay Hay’adda MUSLIM AID – UK oo uu sheegay inay qayb libaax ka qaadatay sare u qaadidda garaadka aqooneed ee haweenka Soomaaliyeed. 

 

Sidoo kale xafladdaas waxaa ka hadla Madaxa Hay’adda MUSLIM AID – UK ee Soomaaliya Axmed Cabdi Maxamuud oo sheegay in Hay’adda MUSLIM AID – UK ay dhiirigelinayso haweenka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha kaalmeeya sida SOCWE oo kale, waxaana uu intaas ku daray inay kaalmadaan noqon doonin middii ugu dambeysay ee ay siiyaan SOCWE; balse jiri doonaan kuwo kale.

 

“Waxaan rajeynayaa in haweenka tababarkaan ka faa’iidaystay inay u gudbiyaan walaalahooda aan fursadda u helin inay qaataan waxbarashada oo kale, waxaana ballanqaadaynaa inaan tababarro kale u ogolaan doonno inay bixiyaan Hay’adda SOCWE” ayuu yiri Axmed Cabdi Maxamuud oo ah Madaxa Hay’adda MUSLIM AID – UK oo ugu dambeyntii shahaadooyinka guddoonsiiyay haweenkii ku guulaystay tababarkaas.

 

Xafladdaas ayaa waxaa lagu guddoonsiiyay shahaadooyin haween tiradoodu gaarayso 30-xubnood oo ku guulaystay barashada iyo adeegsada Computer-ka, waxayna qaarkood sheegeen inay si weyn ugu faraxsan yihiin tababarka ay qaateen iyo sida xilligaan ay u adeegsan karaan Computer-ka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).