16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Dagaallo culus oo ka soconaya Deegaanadii ay isku horfadhiyeen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 22, 2006(HOL): Waxaa weli sii soconaya dagaalladii u dhaxeeyay Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka oo garabsaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah, iyadoo saakay uu dagaal culus ka dhacay Deegaanka Idaale gobolka Bay. Dhinaca Deynuunaay saakay wax dagaal ah kama dhicin, marka laga reebo rasaas goos goos ah oo ay labada dhinac isku ridayeen.

 

Ilaa iyo hadda ma jiro war sugan oo laga bixin karo khasaaraha uu dagaalka geystay, waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay mas’uuliyiinta labada dhinac sheeganayaan guulo ay dagaalka ka soo hooyeen.

 

Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey iyo Shiikh Ibraahim Shukri oo Maxkamadaha Islaamka ugu xil saaran inay ka warbixiyaan arrimaha dagaalka ayaa sheegay in saakay ay mar kale weeraro ku soo qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah, balse ay ciidamada Maxkamadaha iska caabiyeen.

 

Shiikh Ibraahim Shukri ayaa sheegay in ay Askar badan ka dileen Itoobiyaan, kuwaasi oo dhawaan ay saxaafadda ay u soo bandhigi doonaan aqoonsiyadooda, wuxuuna dhinaca kale  carrabka ku dhuftay in ciidamada Itoobiyaanka markii ay jabeen ay Baydhabo gudaheeda dhibaato ugu geysteen dad rayid ah, isagoo intaas ku sii daray in madaxweyne C/llaahi Yuusuf laga saaray xaruntii uu Baydhabo ka deganaa, isla markaana la dejiyay Xero ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya.

 

Shiikh Maxamuud Ibraahim Suuleey oo isna shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa beesha caalamka uga digay in aysan berri soo qeylin marka ay dagaalyahannada Maxkamadaha gudaha  u galaan Itoobiya, balse taasi bedelkeeda ay maanta Itoobiya u sheegaan in ay dalka Soomaaliya isaga baxdo. Shiikh Maxamuud waxaa uu sheegay in aysan dagaalka wada gelin mujaahidiinta Maxkamadaha, wuxuuna ku goodiyay in haddii ay dagaalka soo wada galaan uusan xaalka ahaan doonin, sida uu hadda yahay.

 

Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey waxaa uu shirkiisa Jaraa’id ku soo hadal qaaday sababta ay gardarrada Itoobiya uga hadli la’ yihiin Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika, wuxuuna taasi ka keenay su’aal ah in aysan Soomaaliya ka mid ahayn Jaamacada Carabta iyo Midowga Afrika.

 

Xoghayaha Guud ee Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey waxaa uu sheegay in Meles Zenawi oo ciidamo ku soo daldalaya dalka Soomaaliya uu ka soo bixi doono nabsi uu ka galay dadka Soomaaliyeed oo martigeliyay markii uu dagaalka kula jiray dowladdii uu hoggaaminayay Mingistu Haila Maryam.

 

Sidoo kalena Shiikh C/raxiin Cali Muudey oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan Dhinaca Warfaafinta, isla markaana ku sugan deegaanka Deynuunaay ayaa sheegay in dagaal shalay iyo xalay dhacay ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ku dileen 203 Askari oo Itoobiyaan ah, halka uu dhimashada soo gaartay dhinaca Maxkamadaha uu ku sheegay in ay dhan tahay dhowr iyo laabatan nin, isagoo caddeeyay in aysan taasi u arkeynin khasaare soo gaartay.

 

Dhinaca Dowladda Federaalkana waxaa dagaalkan ka hadlay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Salaad Cali Jeelle oo sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalka kala dhaxeeya Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna caddeeyay in ay mar dhow dhib la’aan ay gacantooda soo geli doonto Degmada Diinsoor.

 

Salaad Cali Jeelle waxaa uu sheegay in ay saakay aroortii ay Deegaanka Idaale soo weerareen Ciidamo uu ku magacaabay Shabaab oo dalka Soomaaliya xoog ku leh, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay halkaas ku jabeen ciidamadii soo weeraray oo dhimashada soo gaartay uu ku sheegay 200 oo Ruux.

 

Wasiir ku xigeenka waxaa uu sheegay in ay dagaalka ku qabteen Arday Maxkamadaha Islaamka u dagaalamayay, kuwaasi oo sida uu hadalka u dhigay la soo qalday, wuxuuna caddeeyay in ay ardaydaas meel gaar ah ku xanaaneynayaan.

 

Labada dhinacba waxay sheegayaan in ay askar tiro badan dileen, isla markaana ay dhaawaceen kuwo kale oo intaas ka badan, iyadoo ay sidaas tahayna dagaalka labada dhinac u dhaxeeya oo maalintii seddexaad galay ma uusan dhaafin meelihii uu ka bilowday.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).