16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Madaxweyne Cadde Muuse iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo dib ugu laabtay Puntland kadib markii ay beryo joogeen Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 21, 2006(HOL): Wafdigii ka socday Maamul goboleedka Puntland ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Cadde Muuse isla markaana maalmahan ku sugnaa magaalada Baydhabo ee fariisinka u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

 

Wafdigan ayaa magaalada Baydhabo waxay kulamo kula qaadeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku saabsan dhaqaalaha iyo bulshada.

 

Wasiirka Warfaafinta Puntland C/raxmaan Maxamed Bangax oo wafdiga Madaxweynaha ka mid ah ayaa sheegay in safarkooda uu ku soo dhamaaday si guul leh, isla markaana ay kulamadii ay la soo qaateen mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ay isku af-garteen.

 

Wafdigan oo saakay aroortii ka degay Magaalada Gaalkacyo, isla markaana barqadii u gudbay magaalada Garowe ayaa intii ay ku sugnaayeen Magaalada Baydhabo waxaa duleedka Magaaladaas ka dhacay dagaal u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maxkaamdaha Islaamka, kaasi oo weliba dhawaqa rasaastiisa ay qudhooda maqlayeen.

 

Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxay aragti mid ah ka qabaan Maxkamadaha Islaamka ee inta badan la wareegay gacan ku heynta deegaano dhowr ah oo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxayna u arkaan in ay doonayaan in ay dalka Soomaaliya xoog ku qabsadaan, walow Maxkamadaha Islaamka ay sheegaan in aysan jirin cid xoog ku qabsanayaan balse meelaha ay tagaan ay uga yeeraan dadka degan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).