16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo xalay ciidamo tiro badan dhigay Isgoysyada Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 20, 2006(HOL): Ciidamo aad u tiro badan oo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa habeenkii xalay ahaa lagu arkayay Isgoysyada Magaalada Muqdisho oo aan horay loogu arki jirin.

 

Ciidamadan ayaa dadka iyo gaadiidkaba waxay ka baarayeen hub iyo in ay wataan waxyaabo kale oo nabadgelyo darro keeni kara, wuxuuna howlgalkoodani uu ahaa midkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ay sameeyaan tan iyo markii ay Maxkamadaha Islaamka la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Muqdisho.

 

Madaxa Ammaanka Gobolka Banaadir ee Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/llaahi Macallin Cali (Abuu Cuteyba) ayaa sheegay in sababta ay ciidamada u dhigeen Isgoysyada Muqdisho ay tahay iyagoo doonaya in ay sii adkeeyaan ammaanka Muqdisho oo beryihii la soo dhaafay ay wax ka iska bedeleen kadib markii labo qarax ay ka kala dhaceen Xaafadaha Juungal iyo Labo Dhagax ee magaalada Muqdisho.

 

Abuu Cuteyba waxaa uu sheegay in howlgalkan ay bilaabeen ay ku uruurin doonaan hubka ay dadku wataan, xitaa kuwa gaadiidka lala saaran yahay, wuxuuna caddeeyay in ay ku howlgelayaan Wareegto uu horay u soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed, taasi oo ahayd in aysan suurtagal ahayn in ay dadku hub iska heystaan, Maxkamadahana ay ka shaqeeyaan amni sugid.

 

Muqdisho dadkeedu weli waa ay heystaan hubka yar yar oo guryaha ayuu u yaalaa, inkastoo aysan dibadda u soo qaadan karin cabsi ay Maxkamadaha ka qabaan aawadood, waxayna cabsidaasi timid kadib markii ay Maxkamadaha Islaamka la wareegeen hubkii tirada badnaa ee ay lahaan jireen Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).