16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

U qeybsanaha Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadannimada Midowga Yurub oo Baydhabo gaaray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco,December 20,2006(HOL): Waxaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo fariisin KMG ah u dowladda Federaalka Soomaaliya u qeybsanaha Midowga Yurub ee dhinaca Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadannimada Mr. Louis Michel.

Ergaygan oo ay la socdeen Wakiillo ka socday Jaamacadda Carabta iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa markii uu Baydhabo gaaray waxaa uu kulamo la qaatay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo ay horay isugu soo arkeen Xarunta Midowga Yurub ee ku taala Dalka Biljim.

Sidoo kalena wuxuu ergaygu booqday, isla markaana u soo qudbadeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo saakay kulan ku lahaa Xarunta ADC-da, iyadoo halkaasina uu Mr. Louis Michel uu Mudanayaasha Baarlamaanka ku siiyay ballanqaad ah in uu Midowga Yurub caawin doono Baarlamaanka Soomaaliya.

Mr. Louis Michel wuxuu kaloo sheegay in ay si weyn u daneynayaan in ay ka qeybqaataan dadaalka loogu jiro in wada hadal iyo dib u heshiisiin lagu dhameeyo xiisadda colaadeed ee u dhaxeysa Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka, iyadoo weliba markii uu hadalkaas jeedinayay uu dagaal xooggan ka socday meel Baydhabo u jirta 20km oo Deynuunaay lagu magacaabo.

Ergaygan ayaa markii uu dhameystay booqashadiisii Magaalada Baydhabo wuxuu u gudbay dhinaca Magaalada Muqdisho oo ay kulamo ku wada qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay isla soo qaadeen sidii loo qaboojin lahaa  xiisadda colaadeed ee ka dhaxeysa labada dhinac, isla markaana dib loogu sii amba qaadi lahaa wada hadalladii u socday Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.

Kulanka ay Mas’uuliyiinta Maxkamadaha iyo Midowga Yurub wada yeesheen oo ka dhacay Hotelka Ramadaan ee Degmada Yaaqshiid  ayaa waxay iskula soo qaadeen sida xal loogu heli karo xiisadda ka dhex oogan Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka iyo sidoo kale sida uu Midowga Yurub qeyb uga qaadan karo kaalmo u fidinta dadka ay waxyeellada ka soo gaartay Fataahadaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle ee dalka Soomaaliya.

Maxkamadaha Islaamka ayaa horay ula kulmay Mas’uuliyiin ka socotay dalalka ku bahoobay Midowga Yurub, kuwaasi oo ay Maxkamadaha Islaamka u gudbiyeen doonistooda ah in dalka Soomaaliya laga saaro Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku jira iyo weliba sidoo kale in aan dalka Soomaaliya looga baahneyn Ciidamo Shisheeye.

Midowga Yurub ayaa wuxuu u muuqdaa in uu arrinta dalka Soomaaliya si weyn u daneynayo, isla markaana uu ka ciyaarayo door ah in wada hadallo iyo dib u heshiisiin lagu raadiyo xalka Soomaaliya, halkii la isticmaali lahaa awood Mileteri iyo dagaallo sokeeye.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).