16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maxkamdaha Islaamka oo ku dagaalay Deegaano ka tirsan Gobolka Bay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco,December 20,2006(HOL): Dagaal aad u xooggan ayaa Ciidamo ka kala amar qaata Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka waxaa uu ku dhex maray deegaano ka tirsan Gobolka Bay, iyadoo labada dhinac ay kala sheeganayaan guulo ay dagaalka ka gaareen.

Deegaanka Deynuunaay oo u dhaxeeya Degmooyinka Buur Hakaba iyo Baydhabo ayay ciidamada labada dhinac saakay ku dagaalameen, waxayna mas’uuliyiin u hadlay Maxkamadaha Islaamka ay sheegeen in ay dagaalkaas ku jebiyeen Ciidamadii ay iska hor yimaadeen oo ay ku sheegeen kuwo Itoobiyaan ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga Al-Bayaan Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa sheegay in khasaare u geysteen ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ay dagaalka iskala horyimaadeen, wuxuuna caddeeyay in ay xitaa jiraan maxaabiis ay dagaalka ku qabteen.

Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka oo ku saabsan dagaalka ka dhacay Duleedka Deynuunaay oo Baydhabo u jirta 20km, marka laga reebo hadalka ka soo baxay Maxkamadaha Islaamka.

Dhinaca kalena deegaanka Idaale oo Baydhabo wax ka badan 65km dhinaca Diinsoor kaga toosan ayaa shalay iyo maanta waxaa iyana ku dagaalamaya ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, waxaana dagaalkaas khasaarihii ka dhashay ka soo baxaya warar is-khilaafsan.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in ay dagaalkii shalay Maxkamadaha Islaamka uga dileen ku dhawaad 10 Askari, walow uusan faah faahin ka bixin dagaalkii maanta oo weli socda. Hayeeshee Maxamed Ibraahim Bilaal  oo Maxkamadaha Islaamka u hadlay ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin hadalka ka soo yeeray dhinaca Dowladda federaalka, isla markaana ay deegaanka Idaale la wareegeen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, isla markaana sida uu hadalka u dhigay la jebiyay Ciidamadii Dowladda Federaalka ee ay dagaalka iskala hor yimaadeen.

Wixii ku soo kordha dagaallada ka socda deegaanada ka tirsan Gobolka Bay kala soco Hiiraan Online

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).