16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Cusbitaalka Al-Nuur ee Magaalada Muqdisho iyo Hay’adda Save Vision ee dalka Pakistan oo fulinaya oo Howl indho-fiiqid iyo daweyn lacag la’aan ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 20, 2006(HOL): Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ah agaasimaha Isbitaalka Indhaha Al-Nuur iyo guddoomiyaha Guddiga dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu si rasmi ah halkaasi uga billowday mashruuc isugu jira indho fiiqid iyo daweyn, kaasoo socon doono muddo toddobaad ah.

 

Dr. Dalmar ayaa sheegay in ololaha mashruucan ay iska kaashadeen maamulka Isbitaalka Al-Nuur iyo hay’adda SAVE VISION oo ka socday dalka Pakistan, iyadoo dhakhaatiirtaas ay ka koobnaayeen afar ruux, seddax dhakhtar iyo hal kalkaaliye.

 

Ololaha indho fiiqista ah ayaa waxaa fursad u helay in ay ka faa’iideystaan dad gaaraya ilaa 500 ruux kuwaasoo ka kala socda gobolka Banaadir iyo gobollada la xiriira, waxayna heli doonaan qalliin iyo daaweyn labadaba.

 

Dr. C/risaaq Dalmar ayaa sheegay in qalliinkan uu noqonayo kii toddobaad oo si samafal ah looga hirgeliyo isbitaalka Al-Nuur ee ku yaalla magaalada Muqdisho, wuxuuna intaasi ku daray in toddobadaasi qalliin shan ka mid ah laga fuliyay xarunta isbitaalka Al-Nuur, halka kan lixaadna laga fuliyay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoo tirada guud ee ka faa’iideystay ay dhan yihiin 2261 qof oo mar kale araggoodii dib ugu soo laabtay, wuxuuna intaasi raaciyay in si tabarrucaad ah indhaha looga daaweeyay 13,127 qof.

 

Dr. Dalmar oo saxaafadda kula hadlayay xaruntiisa Isbitaalka Al-Nuur ayaa sheegay in toddobaadkii aynu soo dhaafnay ay howl samafal oo isugu jira daaweyn iyo ookiyaalo bixin ah aanu ka fulinay goobaha ay fatahaaddu waxyeeleysay ee labada gobol ee Sh/hoose iyo Sh/dhexe, halkaasoo uu sheegay inay ka faa’iideysteen dad gaaraya 450 qof oo fatahaaddu waxyeeleysay, waxaana dadkaasi 100 ka mid ah ay u baahdeen qalliin ay maanta ka qeyb qaadanayaan qalliinka isbitaalka Al-Nuur ka bilaabanaayo, iyagoo haba yaraatee aan wax qarash ah laga qaadeyn, dhammaan howlahoodana si mutadawacnimo ah loogu fulinayo.

 

Dhinaca kale waxa uu sheegay Dr. C/risaaq Axmed Dalmar in ololahan mashruuca indho fiiqista ee toddobaadkan ay barbar socdaan baaritaano la xiriira xeryaha dadka soo barakacay ay ku jiraan ee magaalada Muqdisho oo lagu soo baarayo dad gaaraya 350 qof, boqol ka mid ahna ay sidoo kale u baahdeen qalliin, dadka ku jira xeryaha qaxootiga iyo kuwa fatahaaddu ay waxyeeleysay dhammaantood howlahooda waa kuwo tabarrucaad ah, halka dadweynaha kale laga qaado wax yar oo khidmad ah oo la xiriira dhinaca baarista indhaha iyo sonkorta.

 

Agaasimaha isbitaalka Al-Nuur Dr. C/risaaq wuxuu sheegay isagoo ka hadlayay dhinaca qorshaha u degsan 2007-da maamulka isbitaalka wuxuu sheegay in ay qorshaha ugu jirto  inay sii ballaariyaan howshooda, lana gaarsiiyo gobollada dalka, waxaana howshan ayuu yiri Isibtaalka Al-Nuur ay iska kaashadaan hay’ado badan oo ay ka mid yihiin: A-basar International Foundation (Saudi Arabia), Sight Care International (UK), Bloom Foundation University (South Africa), MSF-Holland iyo Save Vission (Pakistan), waxaana dhammaantood uga mahad celineynaa dhammaantooda haddii ahaan lahaayeen dhakhaatiir, kal-kaaliyayaashooda howlihii faraha badnaa oo ay naga saacideen, sidoo kale waxa uu mahad gaar ah u celiyay Guddiga  Caafimaadka Golaha Maxkamadaha islaamiga iyo Saxaafadda gudaha oo uu sheegay inay qeyb weyn ka qaateen baahinta samafalka ay u sameeyaan bulshada, wuxuuna sidoo kale si gaar ah ugu mahad celiyay maamulayaasha degmooyinka Jowhar, Balcad iyo Afgooye oo iyaguna u fududeeyay howlahaas.

 

Dhaqaatiirtan Bakistaanka u dhasahay ayaa waxey ka kooban yihiin 3-dhaqtar iyo hal kalkaaliye, waxaana hogaaminaaya oo madax u ah Dr. Xafiidu Raxmaan, waana markii ugu horeysay oo ay dalka ka qabtaan howlo Indho fiiqid iyo Daweyn isugu jirta.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).