Sabti, December 02,2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa iska fogeeyay eedeyntii ay u soo jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee ahayd in ay ka dambeysay qaraxii dhawaan ka dhacay duleedka Baydhabo, kaasi oo ay ku dhinteen dad toban ruux ka badan.
Afhayeenka Golaha Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Cali Muudeey ayaa sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyeen Ciidamada Itoobiya, isla markaana ay gaadiidkii qaraxa sameeyay ay deegaanada Maxkamadaha ka taliyaan si nabadgelyo ah uga gudbeen.
Shiikh C/raxiin waxaa uu sheegay in ay arrintaas ogaadeen kadib markii ay u soo dhamaatay baaris ay ku sameeyeen waxyaabihii dhaliyay qaraxaas, wuxuuna caddeeyay C/raxiin Cali Muudeey in qaraxaasi ay sameeyeen Ciidamada Itoobiya ee jooga Koontaroollada ku yaala halka laga galo magaalada Baydhabo.
Wuxuu intaas ku daray C/raxiin Cali Muudeey in ay si kulul u cambaareynayaan ciddii qaraxaas ka dambeeyay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Maxkamadaha Islaamka ay yihiin kuwo dadka badbaadiya oo aan wax dhibaato ah geysan.
Maalintii Khamiista ahayd ayaa Koontaroolka Bakiin ee ku yaala halka laga galo magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay Qaraxa aad u xooggan oo ay ku dhinteen dad isugu jiray kuwo safar ah oo Baydhabo ku sii jeeday iyo kuwo kale oo ay xitaa ku jireen Booliskii Koontaroolka joogay.
Markaasi kadib waxaa saxaafadda la hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ninka lagu magacaabo Salaad Cali Jeelle, kaasi oo sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyeen Maxkamadaha Islaamka, isagoo sida uu hadalka u dhigay soo daliishanayay ilo sirdoon ah oo u shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fadhigeedu yahay magaalada Baydha
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia