Sabti, December 02,2006(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa u ololeyneysa in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Dalka Soomaaliya, si ay u caawiyaan dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ay cabsi gelin ku hayaan Maxkamadaha Islaamka oo inta badan ka taliyaha Gobollo ku yaala Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.
Danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Mr. John R. Bolton ayaa Jimcihii u qeybiyay Dalalka xubnaha ah Golaha Ammaanka qaraar ku saabsan in ciidamo nabad ilaaliyayaal ah loo diro dalka Soomaaliya, si ay uga soo baaraan degaan oo markaasina looga doodo maalinta Isniinta ah ee soo socota.
Qaraarka uu Mareykanka wato ee uu doonayo in ciidamo loogu diro Soomaaliya ayaa waxaa ku jira in ciidamo Afrikaan ah oo tiradoodu gaareyso ilaa 8,000 oo askari loo diro dalka Soomaaliya, kuwaasi oo aaney ku jirin dalalka Soomaaliya la deriska ah sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.
Sidoo kalena wuxuu Mareykanku doonayaa in la qafiifiyo cunaqabateynta hubka ee mudada 14ka sano ah saaran Soomaaliya. John Bolton waxaa uu sheegay in sababta ay u doonayaan arrintaas ay tahay in xasilooni iyo deganaan lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya, isla markaana la difaaco Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo cadaadis kala kulmeysa Maxkamadaha Islaamka.
Dalal ku jira Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa horay ugu ololeynayay in ciidamo nabad ilaalin ah oo caawiya dowladda Federaalka loo diro Soomaaliya, hayeeshee waxay doonistoodaas u la’aayeen wax ku taageera oo ka mid ah dowladaha waa weyn ee Reer Galbeedka sida Mareykanka iyo Ingiriiska oo iyagu haatan la sheegayo in ay isku mowqif ka yihiin arrinta ciidamo u dirista Soomaaliya.
Hadalkan ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan uu Magaalada Muqdisho ka dhacay Banaanbax ay qaban qaabiyeen Maxkamadaha Islaamka, kaasi oo looga soo horjeeday qorshaha uu Mareykanku wato, iyadoo banaanbaxaasina uu keenay in kulan uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, isla markaana la doonayay in looga hadlo qaadista cunaqabateynta hubka Soomaaliya uu go’aan ka soo bixi waayay marka laga reebo in muddo 6 bilood ah oo hor leh loogu daray Guddiga la socodka xayiraadda hubka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia