16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Dad ka soo horjeeda in laga saaro Dhismaha Warshaddii Baastada Muqdisho oo Banaanbax ka hor sameeyay Xarunta Maxkamadaha Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 19,2006(HOL): Dadkani oo socod cabasho ah ka soo bilaabay Xarunta Warshaddii Baastada ee Magaalada Muqdisho oo ay deganaayeen Muddo 16 sano ah ayaa gunaanadkii Banaanbaxooda waxay isugu yimaadeen iridka hore ee Xarunta Maxkamadaha Islaamka oo ku dhow Hotelka Ramadaan ee Degmada Yaaqshiid.

Dadkani oo si nabadgelyo ah u banaanbaxayay ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay uga soo horjeedaan dad ay sheegeen in ay doonayaan in ay ka kaxeystaan Dhismaha Xaruntii Warshadda Baastada, iyagoo dhinaca kalena caddeeyay in ay taageersan yihiin Maxkamadaha Islaamka.

Jaamac Barre Geedi oo ka mid ahaa dadkii Banaanbaxayay ayaa sheegay in ay u yimaadeen dad warqado wata oo doonaya in ay dhismaha Warshadda Baasta la wareegaan, isla markaana ay ka dhigaan hanti ay gaar u leeyihiin, isagoo xusay in ay Dhulka iyo dhismaha Xaruntii Warshadda Baastada ay u yaqaaniin in uu yahay mid Qaran, sidaasi darteedna wuxuu Maxkamadaha Islaamka ka codsaday in ay dadkaasi ka qabtaan.

Jaamac Barre waxaa uu intaas ku daray in ay dadka haatan degan Xarunta Warshaddii Baastada ay dhan yihiin 85 Qoys, kuwaasi oo halkaasi degay markii ay meesha ka baxday Dowladdii hore, wuxuuna caddeeyay in ay mar isku dayday in ay dad u sharciyeyso Waaxdii Dowladda Hoose ee Dowladdii TNG-da, inkastoo aysan taasi suurtagelin.

Dadkani Banaanbaxa sameynayay ayaanan helin cid cabashadooda dhegeysata oo u jawaabta, waxayna dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen markii ay dibadbaxooda dhameysteen. Waa Banaanbixii labaad oo ay dad ashtakoonaya isugu soo uruuraan iridka Xarunta Golaha Maxkamadaha Islaamka ee Magaalada Muqdisho, waxaana banaanbaxan ka horeeyay mid ay dhigayeen ganacsatada Gaadiidka kala soo dega Dekedda weyn ee Muqdisho, kuwaasi oo ka cabanayay qiimo kordhin lagu sameeyay canshuurta laga qaado Gaadiidka yar yar ee Dekedda lagala soo dego.

Maxkamadaha Islaamka oo si buuxda uga taliya Magaalada Muqdisho ayaa waxay yihiin meesha kaliya ee ay labadii wax isku qabato u dacwoon karaan, waxaana dib loo howlgeliyay oo haatan si caadi ah u shaqeyneysa Maxkamadda Hanti Isu celinta oo iyadu ah mid ay dadka u baahnaayeen kadib markii ay soo mareen Cadaalad darro xad dhaaftay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).