16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Dowladda Itoobiya oo sheegtay in aysan la yaabaneyn Hanjabaadda ay u jeediyeen Maxkamadaha Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 19,2006(HOL): Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaaliga Itoobiya Burhan Heilu ayaa sheegay in digniinta ay u jeediyeen Maxkamadaha Islaamka ay tahay mid weligood loo jeedin jiray. Maxkamadaha Islaamka ayaa Dowladda Itoobiya  u jeediyay digniin ah in ay muddo Todobaad ah ciidamadooda uga kaxeystaan dalka Soomaaliya, iyadoo todobaadkiina uu shalay ku ekaa.

Wasiirka waxaa uu sheegay in aysan dalka Soomaaliya ka joogin wax ciidamo ah, marka laga reebo tababarayaal iyo la-taliyayaal mileteri oo ogolaasho ka heysta Dowladda Federaaalka Soomaaliya, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay ciidamo hubeysan oo tiro badan ay dalka Soomaaliya ka joogaan.

Burhan Heilu, Wasiirka Warfaafinta Itoobiya ayaa sheegay in aysan la yaabsaneyn sida uu hadalka u dhigay in ay Maxkamadaha Islaamka u hanjabaan Saraakiishooda Mileteri iyo Tababarayaashooda ku sugan gudaha Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in haddii la soo weeraro ay is-difaaci doonaan.

Dowladda Itoobiya ayaa had iyo jeer waxay beenisaa wararka ku saabsan in ay ciidamo tiro badan u dirtay dalka Soomaaliya, iyadoo warbixin dhawaan ka soo baxday UN-ka lagu sheegay in ay Dalalka Itoobiya iyo Eretereya ay hub iyo ciidamo geliyeen dalka Soomaaliya.

Madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa mar uu dhawaan Muqdisho kaga dhawaaqayay muddo todobaad ah oo ay u qabteen Ciidamada Itoobiya in ay uga baxaan dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay Ciidamo Itoobiyaan ah oo 35 Kun gaaraya ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya masaafo ka dheer 300km.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, mudadii ay Maxkamadaha Islaamka u qabteen Maxkamadaha Islaamka waxay u ekeyd maalintii shalay  ahayd, waxa kaliya ee la sugayana waa in ay Maxkamadaha Islaamka weerar ku qaadaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).