16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Ergay Sare oo ka socda Midowga Yurub oo ku sii jeeda Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 19,2006(HOL): Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in uu dalka Soomaaliya, gaar ahaana magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho uu socdaal ku tago Mr. Luis Michel oo Midowga Yurub u qaabilsan Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadannimada.

Ergaygan oo maalmihii tegay xiriiro dhinaca Taleefoonka la sameynayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisal Wasaare Geedi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa isku howlaya sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka dhex oogan Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka.

Midowga Yurub ayaa si weyn u daneynaya in xiisadda u dhaxeysa Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka lagu dhameeyo qaab wada hadal ah, halka awood meleteri lagu xalin lahaa, waxayna Khubarro u hadlay Midowga Yurub ay dhawaan sheegeen in ay si weyn uga soo horjeedaan in ciidamo loo diro dalka Soomaaliya.

Xubno ka socday dalalka ku bahoobay Midowga Yurub ayaa dhawaan waxay booqdeen magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay kulamo kula soo qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo ay isla soo qaadeen arrimo dhowr ah oo ku saabsan sida xal loogu heli karo dalka Soomaaliya, taasi oo ay Maxkamadaha Islaamka ku sheegeen in ay tahay in dalka Soomaaliya laga saaro Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku jira iyo in aan loo baahneyn ciidamo kale oo loo soo diro.

Midowga Yurub ayaa si buuxda u taageersan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ay labo jeer ku yeesheen, kaasi oo sii socoshadiisa ay Maxkamadaha Islaamka shuruud uga dhigeen in marka hore dalka Soomaaliya laga saaro ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta guddi u saartay soo dhaweynta wafdiga ka socda Midowga Yurub ee maalinta berri ah ku sii jeeda magaalada Baydhabo, iyadoo guddigaasina lagu magacaabay shir ay xubnaha Golaha Wasiirrada Baydhabo ku yeesheen, kaasi oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).