Talaado, December 19, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa shaaca ka qaaday in ay maxkamadaha Islaamka dalka Soomaaliya soo geliyeen seddex kun oo dagaalyahanno ajnabi ah.
Ra’iisal Wasaaraha oo hadalkan ka sheegay Baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo fadhiya hortiisa waxaa uu intaas ku daray in dagaalayahannadaas ay Beesha Caalamka wax ka ogtahay, sidaas darteedna ay dowladda Federaalka ku gacan siin doonto sidii ay ula dagaalami lahayd.
Ra’iisal Wasaaraha oo aan sheegin dalalka ay ka soo jeedaan dagaalyahanadaas Shisheeye hadana waxaa uu tibaaxay in ay dalalkooda dembi ka soo galeen, isla markaana ay doonayaan in uu dalka Soomaaliya u noqdo meel ay ku nabad galaan oo markaasina ay ka qorsheeyaan weerarro ay ku qaadaan dalalka gobolka, kadibna Caalamka.
Prof. Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in aysan dhici doonin inay dalka Soomaaliya ku sii waaraan ciidamadaas oo sida uu yiri aan ahayn kuwa ay is-hayaan, wuxuuna ku tilmaamay in ciidamadaas ay yihiin cadaw shisheeye oo dalka Soomaaliya lagu soo qul-qulinayo.
Maxkamadaha Islaamka ayaa dhowr jeer oo hore waxay u beeniyeen hadallo ka soo yeerayay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo sheegayay in Maxkamadaha ay xoogag shisheeye keeneen dalka Soomaaliya, hayeeshee waxaad mooddaa in ay labada dhinac eedeynta iyo beeninta ay sii wataan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online