16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee Muqdisho ku sugan oo sheegay in aysan waxba qaban Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Geedi

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 19, 2006(HOL): Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in aaney jirin wax ay qabatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.

 

Xildhibaan Cabdalla Xaaji waxaa uu intaas ku daray in aysan waxba ka jirin in Xukuumadda Federaalka ay wax ka qabatay dib u heshiisiinta, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay xitaa ku guuleysan weysay in ay Dowladda dhexdeeda heshiisiiso, isagoo caddeeyay in ay Dowladda haatan kala qeybsan tahay.

 

Xildhibaanka marka uu ka hadlayay dhinaca ammaanka waxaa uu sheegay in aysan Xukuumadda Federaalka waxba ka qaban dhinacaas, wuxuuna tilmaamay in magaalada Baydhabo oo ay dowladdu fadhido aysan haatan nabadgelyadeedu sugneyn, isla markaana sida uu yiri ay maalin walba Ciidamada Tigreega iyo Xabashida dad ku laayaan.

 

Dhinaca arrimaha dibadda ayuu sheegay in ay ku fashilantay wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay dalka Soomaaliya soo gelisay Ciidamo cadaw ku ah Soomaaliya, iyadoo weliba uu taasi Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo horjeestay.

 

Hadalkan ka soo yeeray Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu Ra’iisal Wasaare Geedi Golaha Baarlamaanka Soomaaliya hortiisa ka sheegay waxyaabo ay Xukuumaddiisa qabatay muddo seddex Bilood ah oo laga soo gudbay.

 

Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa had iyo jeeraale waxay soo saaraan hadal saxaafadeedyo ay ugu jawaabayaan xubnaha dowladda Federaalka ee Baydhabo jooga, iyadoo taasina ay dabcan muujineyso in sii rajo beeleyso Dowladda Federaalka ee Soomaaliya loo soo dhisay, tiiyoo shantii sano ee la soo doortay ay labo sano oo ka mid ah ay ugu dhamaatay Magaalooyin aanan ahayn Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).