16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Seddex ruux oo ku dhaawacantay Bam lagu xooray nin ku dhex jiray Goob Internet Café ah oo Muqdisho ku taala

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 19, 2006(HOL): Habeenkii xalay ahaa abaaro 7:20 daqiiqo ayaa waxaa ka dhacay Xaafadda Labo Dhagax ee Magaalada Muqdisho Qarax Bambo gacmeed oo dhaawac u geystay seddex ruux oo ku sugnaa nawaaxiga meel Internet Café ah.

 

Bamkaas ayaa waxaa goobta ku tuuray labo nin oo la sheegay in ay raadsanayeen Nin ku dhex jiray goobta Internet Café-ka ah, kaasi oo qudhiisa bastoolad ku hubeysnaa, isla markaana  markii uu dareemay in ay labada nin u socdaan la soo baxay bastooladdii uu watay, kadibna waxaa uu ku riday rasaas ay iyana uga jawaabeen Bam gacmeed ay wateen.

 

Ilaa iyo haatan lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in ay Raggaasi Bambada watay u raadsanayeen Ninka isna ku hubeysnaa Bastooladda ee ku dhex jiray Goobta Internet Café-ka, hayeeshee waxaa loo qaatay in ay si gaar ah isu raadsanayeen bacdamaa ay labada dhinacba hubeysnaayeen.

 

Waa Falkii labaad oo nabadgelyo darro abuur ah oo Muqdisho ka dhaca tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Maxkamadaha Islaamka la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Muqdisho, waxaana dhawaan Qarax weyn uu ka dhacay Agagaarka Hotelka Guuleed ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo aan la aqoonsan ciddii ka dambeysay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).