16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Magaalada Boosaaso oo ay ku soo noqotay Fowdadii Ciyaal Faay Cali

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 18, 2006(HOL): Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal loo geystay dad rayid ah, iyadoo ay sidoo kale dad iyana dhaawacyo loo geystay.

 

Labada Ruux ee lagu dilay gudaha Magaalada Boosaaso ayaa waxaa dilalkooda lala xiriiriyay Dhac iyo Aano Qabiil, waxaana haatan ka socda magaaladaas dadaallo ay wadaan Ciidamada Booliska Puntland oo iyagu ilaa seddex ruux u soo xiray falalkaas dilka ah.

 

Taliye ku xigeenka Booliska Puntland G/lle Sare C/Casiis Saciid Gacameey ayaa sheegay in ay ciidamada Booliska wadaan howlgallo ay ammaanka ku sugayaan, isla markaana ay ku soo qab qabanayaan dadka nabadgelyo darrada wada oo uu ku sheegay in ay yihiin Dhalinyaro lagu magacaabo Ciyaar Faay Cali oo iyagu falal nabadgelyo darro horay uga geysan jiray magaalooyinka Puntland, gaar ahaana magaalada Boosaaso.

 

Taliye ku xigeenka wuxuu sheegay in ay ciyaalkaas is-garanayaan, isla markaana ay tallaabo ka qaadi doono, isagoo xusay in ay ciyaalkaas ayaan sii horeysay ay magaalada ka geysteen falal nabadgelyo darro ah balse markii ay tallaabo ka qaadeen ay magaalada ka yaraadeen falalkii ay geysan jireen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).