Isniin, December 18, 2006(HOL): Waxaa maanta shir ku yeeshay Xarunta Macluumaadka Magaalada Muqdisho Guddiyada Xiriirka Bulshada iyo Deriseynta Gobolka Banaadir iyo Madaxa Xiriirka Bulshada iyo Gobollada ee Maxkamadaha Islaamka Shiikh Axmed C/llaahi (Shiikh Fanax), waxayna isla soo qaadeen arrimo badan oo ay ugu muhiimsaneyd adkeynta Nabadda.
Guddiyada Arrimaha Bulshada iyo Deriseynta ayaa ku warbixiyay in uu wanaagsan ammaanka Magaalada Muqdisho, inkastoo ay xuseen in ay jiraan degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir oo aan iyagu lahayn goobo dadka lagu xabiso.
Shiikh Axmed C/llaahi Fanax oo la hadlay madaxda Guddiyadaas ayaa sheegay in looga baahan in ay howshooda sii laba laabaan isla markaana ay dadka ku baraarujiyaan in ay ka qeybqaataan difaaca dalka, isagoo weliba kula taliyay in ay dadka siyaasad dabacsan kula dhaqmaan, isla markaana ay u howlgalaan sidii loo uruurin lahaa dhaqaale lagu difaaco dalka.
Shiikh Fanax waxaa uu intaas ku daray in Guddiyada Arrimaha Bulshada iyo Deriseynta Gobolka Banaadir looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan adkeynta nabadda, isagoo xusay in nabadda ay haatan dadku heystaan ay u baahan tahay in ay ku sii faro adeygaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online