13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Qaar ka mid ah Ganacsatada la soo dega Gaadiid iyo Qalabka Dayactirka Gaadiid oo banaanbax cabasho ah ka hor sameeyay Xarunta Maxkamadaha Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 16, 2006(HOL): Qaar ka mid ah Ganacsatada Gaadiidka iyo Biraha Gaadiidka lagu dayactiro kala soo dega Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxay banaanbax cabasho ah  ka hor sameeyeen Xarunta Maxkamadaha Islaamka ee magaalada Muqdisho.

 

Ganacsatadan ayaa waxay ka cabanayaan qiimo kordhin lagu sameeyay lacagtii laga qaadi jiray Gaadiidka Dekedda laga soo dejiyo, taasi oo haatan gaareysa 50% iyo weliba sidoo kale lacago dheeri ah oo ay iska qaataan ganacsatada soo kireysta Maraakiibta.

 

Warar aan si rasmi ah loo shaacin balse ku dhow dhow Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegaya in qiimo kordhintaas lagu sameeyay gadiidka laga soo dejiyo kadib markii la ogaaday in gaadiidka laga soo dejiyo Dekedda ay u badan yihiin kuwo lagu tamashleeyo ee aaney dadku baahida u iibsan.

 

Cali Shiikh Maxamuud oo u hadlay ganacsatadii cabashada gudbineysay ayaa sheegay in aaney banaanbaxa u sameynin in ay ka soo horjeedaan Maxkamadaha Islaamka, balse waxa ay doonayaan ay tahay in wax laga qabto cabashadooda, wuxuuna ka rajeeyay mas’uuliyiinta Maxkamadaha in ay arrintooda wax ka qaban doonaan.

 

Ganacsatadii Banaanbaxa dhigeysay ayaa waxaa la hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo sheegay in wax laga qaban doono cabashada ay soo gudbiyeen, hayeeshee laga doonayo in ay dulqaad muujiyaan.

 

Cabashadan ayaa timid xilli gaadiid 100 gaaraya ay ku xaniban yihiin dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo la sheegay in ganacsatadu ay diideen in ay bixiyaan lacagta canshuurta ah ee laga qaado gaadiidka laga soo dejiyoi Dekadda oo dhan 50%.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).