Sabti,
Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa markii ay gaariga rasaaseynayeen waxaa ku sugnaayeen Ceel ka ag-dhow Isha Baydhabo, halkaasi oo ay biyo ka dhaansanayeen, waxayna mar kaliya arkeen gaari howli ku socda oo dhankooda u socda.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay in ay gaarigan ka shakiyeen, isla markaana ay u heysteen in uu yahay mid la soo geliyay waxyaabaha qarxa oo dabadeedna la doonayo in lagu qarxiyo.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Baydhabo iyo weliba kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beryahan waxay ku jiraan feejignaan sare kadib markii magaalada Baydhabo ay ka dhaceen qaraxyo ay dad badan ku dhinteen.
Dhanka kalena, waxaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo Ra’iisal Wasaare Cali Geedi oo Nairobi uga soo qeybgalay Shirkii ay lahaayeen Wadamada leh Harooyinka waa weyn, wuxuuna markii uu soo gaaray Baydhabo uu kulan albaabada u xiran yihiin la qaatay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo aan la ogeyn waxyaabihii ay rasmi ahaan ka wada hadleen.
Dib ugu soo laabashada Magaalada Baydhabo ee Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed sheegay in ay Maxkamadaha Islaamka soo xireen albaabadii wada hadallada, isla markaana xili kasta la filan karo in uu dagaal ka dhex qarxo labada dhinac.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online