13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo isku eedeeyay nabad-diidnimo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 16, 2006(HOL): Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay isku eedeeyeen in aysan nabad dooneynin, isla markaana ay ka shaqeynayaan in uu dagaal dhaco.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa Maxkamadaha Islaamka ku eedeeyay in aysan wada hadallo diyaar u ahayn, isla markaana waxa kaliya ee ay aaminsan yihiin ay tahay in ay xoog wax ku qabsadaan, “xoogna xoog ayaa kaa celiya”ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa isaguna ku eedeeyay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka in aysan u diyaarsaneyn wada hadal iyo dib u heshiisiin, wuxuuna ku tilmaamay madaxweynaha in uu yahay nin leh dabeecad dagaal.

 

Hadallada ay isku tuur tuureen mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka ayaa waxay sii rajo beelinayaan wada hadalladii la filayay in ay labada dhinac ku yeeshaan magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, iyadoo ay u sii dheer tahay in dalalka IGAD ee arrimaha Soomaaliya ku lugta leh ay si weyn ugu kala qeybsan yihiin qaabka xal loogu heli karo dalka Soomaaliya. Wadamada Itoobiya, Kenya iyo Uganda waxay rumeysan yihiin in xal lagu gaari karo in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaaliyayaal ah, halka dalalka Jabuuti, Eretereya iyo Suudaan-na ay ku dhegan yihiin in wada hadal iyo dib u heshiisiin lagu raadiyo xalka Soomaaliya.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horaantii bishan waxaa u rumowday riyadii ay qaar ka mid ah Mas’uuliyiintooda sare lahaayeen, taasi oo ah in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka ka fududeeyo dalka Soomaaliya, si loo geeyo Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah, hayeeshee waxaa qaraarka ka soo baxay UN-ka si weyn uga soo horjeeda Maxkamadaha Islaamka oo iyagu ka taliya inta badan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxayna banaanbax kaga dhawaaqeen Mas’uuliyiinta Maxkamadaha in ay Jihaad kala hortegi doonaan haddii Ciidamadaas loo sii diro Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).