13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ugu baaqay Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka in ay wada hadlaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 14, 2006(HOL): Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Francois Lonsey Fall ayaa ugu baaqay dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka in ay wada hadlaan, isla markaana ay baajiyaan dagaal ka dhex dhaca.

 

Francois Fall waxaa uu baaqan ka jeediyay Magaalada Nairobi kadib markii uu kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in baaqa ay soo saareen ay uga gol leeyihiin in uusan dagaal ka dhex dhicin dhinacyada isku haya Soomaaliya oo markaasina ay ku laabtaan wada hadalladii Khartoum.

 

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxaa uu sheegay in shirka Khartoum oo la sii wado uu keenayo fursad ay dadka Soomaaliyeed nabad ku heli karaan, isla markaana ay uga badbaadi karaan dagaal dhaca.

 

Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka ayaa lagu waday in ay maalinta berri ah isugu tagaan Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, halkaasi oo ay uga sii socon lahaayeen wada hadallo qabyo u ah, hayeeshee ma muuqato rajo uu shirkaas berri ku furmi karo, walow ay labada dhinacba sheegayaan in ay diyaar u yihiin ka qeybgalka shirka.

 

Francois Lonseny Fall waxaa uu dhanka kale ugu baaqay mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka in ay fududeeyaan in si dhib la’aan ah loo gaarsiiyo dad badan oo ay waxyeello ka soo gaartay Fatahaado ka dhacay ilaa 6 gobol oo ku yaala dalka Soomaaliya.

 

Hay’adda UN-ka uu leeyahay oo ka howlgala dalka Soomaaliya ayaa waxay qayaas ku bixiyeen in dad dhan 500,000 ay barakiciyeen fatahaado ka dhashay Webiyada Soomaaliya iyo weliba roobab si xooggan u da’ay, waxayna hay’aduhu sheegeen in aaney waxba qaban karin haddii aaney helin jawi ay ku qeybin karaan kaalmooyinka ay dadkaas u baahan yihiin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).