13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka oo Yemen gaaray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 13, 2006(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Yemen, halkaasi oo ay ku tageen casuumad rasmi ah oo ay heleen mas’uuliyiinta dalka Yemen, iyadoo ay garoonka diyaaradaha Muqdishana ka qaaday diyaarad khaas ah oo ay dowladda Yemen u soo dirtay.

 

Shiikh Shariif ayaa la filayaa inta uu ku sugan yahay dalka Yemen in uu kulamo la qaato Madaxweynaha dalkaas Cali Cabdalla Saalax oo isagu la sheegay in uu doonayo in uu wada hadallo ka dhex furo Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka, walow ay Maxkamadaha Islaamka daneynayaan in marka hore meesha laga saaro mad-madow ku kala dhex jira Dowladda Yemen iyo Maxkamadaha Islaamka.

 

Dalka Yemen waxaa horay ugu sii sugnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isagu dhawaan wada hadllo la furay Maxkamadaha Islaamka, inkastoo aaney xiisad dhex oolin mas’uuliyiinta maxkamadaha Islaamka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Mas’uuliyiinta sare ee Maxkamdaha Islaamka iyo kuwa Dowladda Federaalka oo laga reebay guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa had iyo jeeraale waxay qalabka warbaahinta isu marsiiyaan hadallo kulul oo ay isku eedeynayaan, iyadoo Maxkamadaha Islaamka ay mas’uuliyiinta dowladda u jeediyaan in ay dalka soo geliyeen ciidamo shisheeye, halka mas’uuliyiinta dowladda ay iyaguna Maxkamadaha ku eedeeyaan in ay kooxo argagixiso ah soo geliyeen dalka Soomaaliya.

 

Dowladda Yemen ayaa horay waxay ugu guuleysatay in ay heshiisiiso mas’uuliyiinta sare ee dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, walow haatan uu u muuqdo heshiiskaas mid meesha ka baxay, isla markaana labadaas mas’uul aysan hal meel u wada jeedin.

 

15-ka bishan oo berri oo kaliya ay naga xigto ayaa lagu waday in ay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ay ku yeeshaan wareegga seddexaad ee wada hadallo u socday, waxaana muuqata in aysan wada hadalladaasi ku qabsoomi karin waqtigii loo qabtay bacdamaa aysan labada dhinac ka muuqan wax diyaargow ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).