Arbaco, December 13, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in Maxkamadaha Islaamka aysan diyaar u ahayn wada hadal, isla markaana ay taasi bedelkeeda wadaan weeraro iyo is-ballaarin.
Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu intaas ku daray in Maxkamadaha Islaamka ay ciidamo ajnabi ah oo tiradoodu dhan tahay 4000 Askari ay soo geliyeen dalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in barkood yihiin Ereteriyaan, halka inta soo hartayna ay ka soo jeedaan dalalka Pakistan, Afghanistan iyo Jejniya.
Prof. Geedi oo shalay dib ugu laabtay Magaalada Nairobi kadib markii uu qadar saacado ah joogay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu dadaal xooggan ugu jiraa sidii ciidamo shisheeye oo difaac u noqda dalka Soomaaliya loo geyn lahaa dalka Soomaaliya, maalinta berri ah ayaana la filayaa in uu arrintaas kala shiro madax ka soo jeeda Afrika oo
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in Maxkamadaha Islaamka la wareegeen gacan ku heynta labo degmo oo hoos yimaada Gobolka Bay oo Dowladda Federaalka ay fariisin u tahay, sidoo kalena wuxuu sheegay in ay Ciidamada Maxkamdaha dib uga laabteen Degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool kadib markii ay ogaadeen in ay halkaas ku sugan yihiin ciidamo badan oo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka.
Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Maxkamadaha Islaamka ay soo af-jari doonaan is-jiid-jiidayadii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in aan laga fursan doonin dagaal dhaca, isagoo intaas ku sii daray in Ciidamada Dowladda Federaalka ay arrintaas ka diyaargaroobeen, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay u dhintaan difaaca dalka iyo dadka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online