Talaado, December 12, 2006(HOL):Ra’iisal Wasaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo kadib safarro uu ku soo kala bixiyay Wadamo ka tirsan Qaaradda Afrika ayaa sheegay in Maxkamadaha Islaamka ay ciidamo shisheeye ku soo daabulayaan Magaalooyinka Diinsoor iyo Buur-Hakaba ee Gobolka Bay.
Ra’iisal Wasaare Geedi oo ku hanjabay in ay dowladda Federaalka Soomaaliyeed ka difaaceyso Maxkamadaha Islaamka fariisimadeeda ayaa sheegay in hadalkii maanta ka soo yeeray Maxkamadaha Islaamka ee ahaa in ay muddo todobaad ah u qabteen Ciidamada Itoobiya uu yahay mid ay ugu qiil sameysanayaan in ay weeraraan fariisimada dowladda Federaalka.
“Wararka ka soo baxay Maxkamadaha Islaamka waa kuwo dadka lagu argagax gelinayo, balse waxaan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa Baydhabo aan ugu bishaareynayaa in ay difaacan yihiin oo ay dowladda Federaalka ka celin doonto cadaw kasta oo soo hujuuma”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo sheegay in hadallada hanjabaadda ah ee ka soo yeeraya Maxkamadaha Islaamka ay yihiin kuwo huu-haa’ ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in aysan dowladda Federaalka dagaal wadin balse ay Maxkaamdaha Islaamka yihiin kuwa weerarrada wada, wuxuuna intaas ku sii daray in ay Dowladda Federaalka diyaar u tahay in ay ka qeybgasho shirka khartoum, walow uusan carrabka ku dhufan waqtiga ay dowladda aadeyso shirka Khartoum.
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay u diyaargaroobeyso fulinta go’aankii dhawaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ahaa in ciidamo shisheeye oo taageera dowladda Federaalka loo diro Dalka Soomaaliya, wuxuuna Ra’iisal Wasaaruhu dhanka kale waxba kama jiraan ku tilmaamay Qariidad ay dhawaan soo saareen Xildhibaano Dowladda Federaalka ka tirsan oo Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo sheegay in ay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Geedi ka heleen Qariidad ay Soomaaliya ka maqan tahay oo ay Xukuumadaha Soomaaliya iyo Itoobiya ku heshiiyeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online