Talaado, December 12, 2006(HOL): Shaqaalihii ka howlgeli jiray Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxay cabasho ka muujinayaan tixgelin la’aan ay Maxkamadaha Islaamka ku sameeyeen kadib markii dib loo howlgeliyay Dekeddaas oo xirneyd muddo 11 sano ah.
Guddoomiye ku xigeenka Shaqaalihii hore ee Dekedda Axmed Sheegow Xasan ayaa sheegay in markii la furay dekedda ay u tageen maamulka dekedda balse ay u sheegeen mas’uuliyiintii dhinaca maamulka ee ay la kulmeen in aysan cabashadooda waxba ka qaban karin.
“Waxaan u heysanay in haddii shareecada islaamka ku dhaqankeeda la hirgeliyo in aan xuquuqdeena heli doonno, balse hadda waxaa noo muuqata in nagala maarmay oo aanan xuquuq lahayn”ayuu yiri Axmed Sheegow oo caddeeyay in ay xitaa warqad u qoreen mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka balse ay ilaa haatan la’ yihiin cid u soo jawaabtay.
Axmed Sheegow waxaa uu intaas ku daray in ay in muddo ah ka dhursugayeen, isla markaana ay aad ugu farxeen markii ay Maxkamadaha Islaamka ay dib u howlgeliyeen Dekedda Muqdisho balse waxaa uu sheegay in aysan maxkamadaha ka helin xuquuqdii shaqaalenimo ee ay lahaayeen, wuxuuna caddeeyay in ay muddo 4 bilood ah ay si mutadawacnimo ah ku shaqeynayeen markii ay xuquuq warsadeen maamulka dekeddana loo sheegay in ay iska baxaan.
Guddoomiye ku xigeenka Shaqaalihii hore ee Dekedda Muqdisho wuxuu sheegay in ay xaq ku leeyihiin dekedda oo sida uu hadalka u dhigay xooggooda iyo mushaar laga gooyay lagu dhisay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay mudnaanta koowaad leeyihiin, “waxaan u ekaanay qashin la xaaqay oo kale meeshiina waxaa la keenay dad cusub oo aan aqoon u lahayn howlaha Dekedaha, shaqaalaheena ninka ugu yar wuxuu shaqeynayay muddo 30 sano ah mana noola tixgelin aqoonta aan u leenahay dekedda”ayuu yiri Axmed Sheegow oo intaas ku daray in markii cabashadooda wax laga qaban waayay ay go’aansadeen in ay haatan la hadlaan saxaafadda oo markaasina ay cabashadooda dadka ogeysiiyaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis),Hiiraan Online