Talaado, December 12, 2006(HOL): Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in bartilmaameedka Maxkamadaha Islaamka ay tahay difaaca dalka iyo ka hortagga cadaw ku soo duulaya, wuxuuna beeniyay in Maxkamadaha Islaamka ay doonayaan in ay isku ballaariyaan dalka.
Shiikh Xasan Daahir waxaa uu dafiray in ay dagaalyahanno ajnabi ah soo geliyeen dalka Soomaaliya, sidoo kalena ay hub kala yimaadeen dowladda Eretereya, wuxuuna sheegay in ay hadalladaasi ahaayeen kuwo aan laga fiirsan.
Wuxuu sheegay Shiikh Xasan Daahir in dalka Soomaaliya haatan aysan saarneyn cunaqabateyn dhinaca hubka, isla markaana ay UN-ka iyo Baarlamaanka Dowladda Federaalka ay u codeeyeen in ay ciidamo shisheeye soo galaan dalka Soomaaliya, sidaas darteedna aaney micno sameyneynin in Maxkamadaha lagu eedeeyo in ay hub iyo ciidamo soo geliyeen, isagoo weliba sheegay in aaney jirin ciidamo iyo hub ay Soomaaliya soo geliyeen.
Hadalkan ka soo baxay Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu daba joogay hadal shalayka soo baxay dowladda Federaalka oo ku saabsanaa in Maxkamadaha Islaamka ay doonayaan in ay isku ballaariyaan deegaano ay ka taliso dowladda Federaalka, iyadoo sida lagu xusay warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda ay Maxkamadaha hagayaan jihaadiistayaal Ajnabi ah iyo dad qalalaase doon ah oo ka yimid dalka dibaddiisa.
Dowladda Federaalka oo fariisinkeedu uu yahay Magaalada Baydhabo iyo Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay gacan ku heynta inta badan gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa dhex taala xiisad colaadeed oo aad u daran, waxayna ciidamo labada dhinac ka amar qaata dhawaan ku dagaalameen deegaano hoos yimaada degmada Diinsoor ee gobolka Bay, iyadoo labada dhinacna uu midba kan kale ku eedeeyay in uu dagaalka ku soo qaaday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis),Hiiraan Online