12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Shariif Shiikh Axmed oo Yemen ku sii jeeda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 12, 2006(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socdo u amba baxo dalka Yemen, halkaasi oo uu ku tegayo casuumaad uu ka helay madaxda dalka Yemen.

 

Warka ku saabsan socdaalka Shiikh Shariif oo uu shaaciyay Wargeyska 26-ka September ee ka soo baxa dalka Yemen waxaa uu intaas ku darayaa in marka uu Shariifka tago dalka Yemen uu kulamo la qaadan doono mas’uuliyiinta dalkaas, kuwaasi oo ay isla soo qaadi doonaan xaaladda dalka Soomaaliya oo in badan ay wax ka bedeleen Maxkamadaha Islaamka.

 

Dowladda Yemen ayaa la sheegay in ay dooneyso in ay wada hadallo ka dhex furto Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka oo xiisad colaadeed ay ka dhex oogan tahay, isla markaana ay dhawaan ciidamadooda ku dagaalameen deegaano ka tirsan Degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

 

Horay waxaa dalka Yemen ugu sii sugnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo dhawaan Maxkamadaha Islaamka la furay wada hadallo la isugu soo dhaweynayo dowladda iyo Maxkamadaha, walow ay wada hadalladaas u muuqdaan kuwo aan meel mar noqon karin bacdamaa ay ka soo horjeedaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Dowladda Yemen ayaa horay waxay ugu guuleysatay in ay heshiisiiso mas’uuliyiinta sare ee dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, walow haatan uu u muuqdo heshiiskaas mid meesha ka baxay, isla markaana labadaas mas’uul aysan hal meel u wada jeedin.

 

Dhanka kalena Dowladda Yemen ee haatan la sheegayo in ay dalkeeda ku casuuntay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka ayaa horay waxay u taageeri jirtay Dowladda Federaalka oo xitaa ay mar sheegtay in ay hub siisay, si ay u isticmaalaan ciidamada Dowladda Federaalka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis),Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).