Isniin, December 11, 2006(HOL): Waxaa maanta shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho Haweenka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo wax iska dhahayay xaaladda uu maanta ku sugan yahay Dalka Soomaaliya, gaar ahaana xiisadaha ka dhex oogan Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka iyo weliba xaaladda Bani’aadannimo ee heysata dadka ku barakacay Fatahaadaha Wabiyada.
Shirka ay isugu yimaadeen Haweenka Gobolka Banaadir oo ka dhacay Xarunta Cilmi Baarista Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka hadlay haween dhowr ah oo qaarkood ay ka yimaadeen dalka dibaddiisa, waxayna Haweenkii hadlay ay dhamaantood soo hadal qaadeen sida ay uga xun yihiin xiisadda colaadeed ka dhex oogan Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka iyo ciidamada la sheegay in loo soo dirayo dalka Soomaaliya.
Caasho Cabdulle Faarax oo ah Guddoomiyaha Haweenka Degmada Wardhiigley ayaa ka hadashay shirkii ay isugu yimaadeen Haweenka Gobolka Banaadir, waxayna sheegtay in dadka Soomaaliyeed oo ah kuwo Muslimiin ah ay Allaah ka helayaan wixii ay ka baryaan haddii ay maraan tubta toosan ee uu u tilmaamay, waxayna dhanka kale sheegtay in aaney u baahneyn dadka Soomaaliyeed ciidamo shisheeye, balse taasi bedelkeeda ay doonayaan sida ay hadalka u dhigtay Soomaalida oo heshiisa oo gacmaha is-qabsata.
Caasho waxay sheegtay in magaalada Muqdisho ay maanta nabadgelyo la isku haleyn karo ka jirto, sidii la doonana lacag loo qaadan karo, iyadoo intaas ku dartay in aaney u baahneyn dadka Soomaaliyeed in ay dushooda isku garaacaan ciidamo dalal shisheeye oo cadaawad isu haya, waxayna ugu baaqday Soomaalida in ay arrintaas ka waantoobaan.
Kiin Abshir Qeylshe oo ka timid dalka Mareykanka, gaar ahaan Gobolka Minnesota ayaa ka hadashay isu imaatinka Haweenkii Gobolka Banaadir, waxayna sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan ay qabaan dhibaato ka badan tan ay qabaan dadka gudha ku dhaqan, waxayna carrabka ku dhufatay in dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan uu badankood amar ku dhacay, wiilashii iyo gabdhihii Soomaaliyeedna ay u kala baxeen kuwo guursaday dad ku jinsi ah iyo kuwo xudunta durtay.
Kiin Abshir waxay ku dheeraatay ammaanka dalka Soomaaliya, waxayna sheegtay in aaney jirin meel lagu doorsan karo dalka Soomaaliya oo cimiladiisa ay aad u wanaagsan yihiin, waxayna carrabka ku dhufatay in dadka Qurbaha jooga, gaar ahaan kuwa ku nool dhulalka barafka ka da’ayo ay xili is-diiriyaan, xili kalena ay qaboojiyayaal ku dhex jiraan.
Kiin Abshir Qeylshe waxaa sheegtay in dalka Soomaaliya loo soo wado ciidamo sida ay tiri sanka-dhuudhi ah oo Aids qaba, kuwaasi oo doonaya in ay gabdhaha Soomaaliyeed hortooda ku shukaansadaan, waxayna carrabka ku dhufatay in loo baahan in arrintaas laga hortago oo naf iyo maalba loo huro, iyadoo qof walba ay ku tabaruceyso jihaadka wixii ay heli karto haddii ay lacag ahaan lahayd iyo haddii ay dahab ahaan lahayd.
Xaliimo Maxamuud Afrax oo aad u jidbeysneyd ayaa iyaduna fikirkeeda ka dhiibatay kulankii Haweenka, waxayna ku cel celisay in ay diyaar u tahay in ay difaaca dalka ka qeybqaadato, isla markaana ay iyadoo difaaceysa dalka ay ku dhacdo xabadda Amxaarada amaba ay ka guuleysato amxaarada iyo kuwa la saaxibka ah. Xaliimo waxay waxay intaas ku dartay in ay aaminsan tahay in aaney dalka Soomaaliya dowlad ka jirin waayo ayay tiri ma qabo in dowlad Soomaaliyeed ay dadkeeda ku soo hoggaamineyso dad cadaw ku ah.
Guddoomiyaha Xarunta Dr
Maryan waxay sheegtay in xaaladda dadka Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin ay tahay mid murugo leh, waxayna tusaale u soo qaadatay dadka geedaha korkooda saaran ee ay saameeyeen Fatahaadaha ka dhashay webiyada Jubba iyo Shabeelle ee dalka Soomaaliya, iyadoo su’aal ka keentay sababta ay caalamka dadkaas ugu soo gurman la’ yihiin, gaar ahaana Wadamada ay Soomaaliya kala tirsan tahay Ururrada Islaamka iyo Wadamada Jaamacadda Carabta.
Maryan Awreeye waxay ka hadashay xiisadda ka dhex oogan Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka, waxayna labada dhinac ku waajibisay in ay heshiiyaan, waxayna ku cel celisay in aaney dadka Soomaaliyeed u dulqaadan doonin in mar dambe lagu dul dagaalamo.
Sidoo kalena waxay ka hadashay Qaraarkii dhawaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna sheegtay in aysan dadka Soomaaliyeed maanta u baahneyn in dhinaca ammaanka laga taageero balse ay taasi bedelkeeda u baahan yihiin in kaalmooyin bani’aadannimo loo fidiyo.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, shirkii ay maanta Muqdisho ku yeesheen Haweenka Gobolka Banaadir ayaa waxay gunaanadkii shirkooda ka soo saareen baaq 8 qodob ka kooban, kaasi oo aan qodobadiisa ka soo qaadan karno in haweenka ay ka xun yihiin isla markaana ay cambaareynayaan go’aankii dhawaan ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka Soomaaliya in haweenka ay ka digayaan dagaal ka qarxa dalka Soomaaliya, iyadoo haddii dagaal dhaco ay mas’uuliyadda arrintaas qaadi doonaan UN-ka, Mareykanka iyo IGAD, in haweenka Soomaaliyeed ay ugu baaqayaan Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka ay isu tanaasulaan, una daneeyaan dadkooda, kuna laabtaan shirkii Khartoum ama ay shir nabadeed ku qabtaan gudaha dalka Soomaaliya, si ay u gaaraan heshiis wax ku ool ah oo dalka iyo dadkaba badbaadiya. Ugu dambeyntiina Haweenka Gobolka Banaadir waxay baaq u direen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka iyo dibaddiisa, waxayna ka codsadeen in ay gargaar deg deg ah la gaaraan walaahooda ay barakiciyeen fatahaadda Webiyada.