16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Dowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD oo ku kala qeybsan Ciidamo loo diro Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 30, 2006(HOL): Ma wanaagsana rajada laga qabi karo in ay Dowladaha ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ay ku heshiiyaan in ay ciidamo nabad ilaalin ah u diraan Dalka Soomaaliya, si ay u taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee tabarta daran.

Dowladaha Itoobiya, Kenya iyo Uganda ayaa ilaa iyo haatan u xusul duubaya sidii ay ciidamo ugu diri lahaayeen Soomaaliya oo ka tirsan Dalalka IGAD, si Dowladda Federaalka Soomaaliyeed awood loogu siiyo in ay dalka si buuxda uga howlgasho.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa maalmihii tegay wuxuu booqday Magaalooyinka Kampala iyo Nairobi, halkaasi oo uu kulamo kula qaatay Madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Uganda Mr. Yoweri Moseveni iyo Mr. Mwai Kibaki oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan sidii ciidamo ka socda Wadamada IGAD loogu diri lahaa Soomaaliya, inkastoo qorshahaas ciidamo dirista ay tahay mid u gaar ah seddexdaas dowladood.

Dowladaha Jabuuti, Eretrea iyo Suudaan oo ka tirsan Urur Goboleedka IGAD ayaa qaba in aaney xiligan Soomaaliya u baahneyn ciidamo shisheeye, waxayna taasi bedelkeed sheegeen in ay qabaan in xalka Soomaaliya loo daayo Soomaalida qudheeda, isla markaana la taageero shirka lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ee ay gogoshiisu taalo Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.

Marka laga soo tago diidmada Wadamada IGAD ka tirsan ee keenista Ciidamada Shisheeye ee Dalka Soomaaliya waxaa jiro diidmo ka imaaneysa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Maxkamadaha Islaamka, waxaana ka mid ah Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo dhawaan sheegay in aaney Soomaaliya u baahneyn ciidamo shisheeye balse taasi bedelkeeda ay Soomaalida ka doonayaan Beesha Caalamka in ay ku garab galaan dhaqaale lagu tayeeyo ciidamo tiro badan oo ay Soomaalidu heystaan. Sidoo kalena Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/qaadir Cali Cumar ayaa isaguna sheegay in aaney jirin baahi Soomaaliya loogu dalbo Ciidamo Shisheeye waayo ayuu yiri halkii ugu darneyd ee amaan darrada ka jirtay oo Muqdisho ah hadda waxaa ka jirta Nabadgelyo la isku haleyn karo.

Dhanka kalena Deeq bixiyayaasha Caalamka oo shir ku yeeshay Magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa taageero ay uga qeybqaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya waxay ku xireen in ay marka hore heshiis awood qeybsi ah gaaraan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Maxkamadaha Islaamka iyo in la helo dowlad loo dhan yahay oo sharci ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).