16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Majmaca Culimada Soomaaliyeed oo ka digay in ay Dalal cadaw isku ah ay ku dagaalamaan gudaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Guddoomiyaha Majmaca Shiikh Axmed Cabdi Dhicisow ayaa sheegay in aan dalka Soomaaliya looga baahneyn ciidamo shisheeye oo la keeno, wuxuuna dowladda Federaalka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay joojiso dalabkeeda ku aadan ciidamada shisheeye.

Shiikh Axmed Dhicisow waxaa uu sheegay in dalalka Soomaaliya loo soo wado ay ku jiraan dalal cadaw isku ah oo uu ka xusay Dowladaha Itoobiya iyo Eretereya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in aan dalka Soomaaliya looga baahan yahay ciidamo ka socda labadaas dowladood.

Dhanka kalena, Madaxa Dacwada iyo Warfaafinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Cali Muudeey oo ka hadlay sida ay Maxkamadaha u arkayaan Saraakiil ka socota Dalka Uganda oo shalay soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in aaney marnaba raali ka ahayn in ay dalka Soomaaliya soo galaan Ciidamo Shisheeye, wuxuuna ugu baaqay in Saraakiishaas dib ugu laabtaan dalkooda.

Shiikh C/raxiin waxaa uu sheegay in Dowladda Uganda ay ku darsantay Liiska ay ku jiraan Dowladaha Itoobiya iyo Kenya, isla markaana ay caddeynayaan in uu go’ay xiriirkii kala dhaxeeyay Soomaaliya, wuxuuna ku cel celiyay in aaney Soomaaliya u baahneyn Ciidamo Shisheeye oo ay tahay meel nabadgelyo ka jirto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).