16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Mas’uuliyiinta Shirkaddii Al-Barakaat oo sheegay in Liiska Argagixisada laga saaray wakiilkoodii ugu dambeeyay ee Dibadaha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, August 28, 2006(HOL): Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shir Jaraa’id oo ay soo qaban qaabiyeen Mas’uuliyiinta Shirkaddii Al-Barakaat ee uu Ameerikaanku ku daray Liiska Argagixisada, iyadoo shirkaasina lagu soo bandhigayay war farxad leh oo ahaa in dhamaanba wakiilladii Shirkadda ee Dibadaha laga saaray Liiska Argagixisada.

Guddoomiyaha Shirkaddii Al-Barakaat Axmed Nuur Cali Jimcaale oo shirkaas Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in Liiska Argagixisada laga saaray wakiilkii ugu dambeeyay ee shirkadda u fadhiyay Dalka Sweden, kaasi oo lagu magacaabo Axmed Yuusuf Galool, iyadoo taasina ay ku timid in ay markii horeba wakiillada Dibadaha ay ahaayeen dad heysta Jinsiyadaha dalalka ay joogaan, sidaas darteedna ay dalalkooda labaad u doodeen.

Hayeeshee Axmed Nuur Cali Jimcaale waxaa uu carrabka ku dhejiyay in aan weli Liiska Argagixisada laga saarin mas’uuliyiinta Shirkadda ee ku sugan gudaha dalka oo sida uu yiri uu isaguba ka mid yahay, wuxuuna markaasi kadib uu ka codsaday dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay in ay xayiraadda ka qaadaan Shirkadda Al-Barakaat oo muddo shan sano ah u xayiran dembi aysan wax lug ah ku lahayn.

Axmed Nuur waxaa uu intaas ku daray in haatan ay wanaagsan tahay rajada ay ka qabaan in Shirkadda Al-Barakaat xayiraadda laga qaado, isla markaana ay dib u hesho dhaqaale laga xayiray oo dhan 8.5 Milyan oo isugu jiray Dhaqaale ay iyadu lahayd iyo kuwo ay macaamiisheeda u heysay, sidoo kalena wuxuu mahadcelin u jeediyay dadka Soomaaliyeed ee shirkadda looga xayiray Lacago ay lahaayeen, kuwaasi oo mudada shanta sano ah u soo samrayay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).