16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamdaha Islaamka oo ku sugan Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, August 28, 2006(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhow dhow mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu haatan ku sugan yahay Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, halkaasi oo la filayo in uu maalmaha soo socda ka furmo wejiga labaad ee shirka lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Guddoomiye Shiikh Shariif iyo mas’uuliyiin ka tirsan Jaamacadda Carabta iyo Dowladda Suudaan ay ka wada arinsanayaan sidii uu u qabsoomi lahaa wejiga labaad ee wada hadallada lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka Maxamadaha Islaamka.

Socdaalka Shiikh Shariif ee dalka Suudaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Suudaan Mr. Lam Akul uu sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in uu qabsoomo wejiga labaad ee shirka u dhaxeeya Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka, wuxuuna Wasiirka hoosta ka xariiqay in shirka wejigiisa labaad uu furmayo 30-ka bishan oo ku beegan Arbacada soo socota.

Qabsoomida wejiga labaad ee shirka lagu dhexdhexaadinayo Dowladda iyo Maxkamadaha ayaa dhowr jeer dib u dhac uu ku yimid kadib markii ay labada dhinac u kaltameen in shirka loo hakiyo, iyadoo sababtuna ay ahayd in mar ay dowladda Federaalka is-khilaafsaneyd, mar kalena ay Maxkamadaha soo jeediyeen in inta aan la tegin Khartoum marka hore dalka laga saaro Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa rajo wanaagsan laga muujinayaa in uu qabsoomayo wejiga labaad ee shirka Khartoum, waxaana taasi marag muujin u ah iyadoo Shiikh Shariifka Maxkamadaha uu Khartoum ku sugan yahay, halka Shariif Xasanka Baarlamaanka iyo wafdi la socda ay saacadaha soo socda gaari doonaan Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).