Jimco, August 25, 2006(HOL): Waxaa ugu dambeyntii la qaaday qashinkii dhoobnaa magaalada Muqdisho in ka badan toban iyo shan sanadood oo bulshada u keenay dhibaatooyin ay ka mid yihiin cudurada faafa oo halista ah iyo wadooyinkii magaalada Muqdisho oo xirmay. Qashinkaaasi ayaa sababay in gaadiidka iyo dadkaba ay u sahlanaan weysay isu socodka. Qashinkaasi oo wax weyn u dhimay qurxdii magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga hor wareejiyey aragtida dadweynaha.
Hay’adda wadaniga ah ee SAACID oo kaashaneysa ururka shaqaalaha adduunka ILO ayaa hawl nadaafadeed ka bilaabay bishan August 5dii, 2006 dhamaan lix iyo tobanka degmo magaaldan Muqdisho iyo degaanka Bermuda . Kun iyo todobo boqol qofood oo muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan heysanin shaqo, kuna kala nool degmooyinkaasi ayaa laga shaqaaleeyey hawshan nadaafadda iyadoo boqolkiiba lixdan ay haween qoysas horumuud u ah yihiin. Waxaana loogu talagalay dadkaasi la shaqaaleeyey inay dhaqaale ka helaan hawsha nadaafadda ayna ku kaabaan nolol maalmeedkooda.
Dhaqaalaha la siinayo qof kasta ka hawlgala barnaamijkna nadaafadda ayaa ah maalintiiba lacag shilin Soomaali u dhiganta laba doolar taasoo la siinayo labadii todaadba hal mar. Waxaana lacag siinta loo bilaabay maalinimadii Isniinta bishan August 21, 2006. iyadoo ka hadleysa waxtarka hawsha nadaafadda ayaa Faduma Cabdulle Cali oo ka tirsan degmada Yaaqshiid sheegtay inay ku faraxsantahay shaqadan ay heshay, waxayna tiri, “ Waa markii ugu horeysay muddo shan iyo toban sano ah oo aan helo lacag aan shaqeysto oo aan suuqa waxaan rabo uga soo iibsan karo.”
Hawlaha nadaafadda magaalada looga qaadayo qashinka ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyadoo ay muuqato in bilicsamadii magaalada inay tartiib tartiib u soo noqonayso.
Ujeedooyinka ugu weyn ee laga leeyahay barnaamijka nadaafadda waxaa ka mid ah in magaalada laga nadiifiyo qashinka dhooban oo ay ka dhashaan cudurrada faafa, isla markaasna xiray wadddoyinka qaarkood.
Waxaa kaloo qasadka ka mid ah in dadka saboolka ah oo ku kala nool degmooyinka kala gedisan ee Muqdisho in looga dhigo shaqo abuur iyo dakhli soo gelin maadaama wadanka dawlad la’aan ahaay muddo ka badan shan iyo toban sanadood.
Teeda kale, barnaamijka nadaafadda waxaa loogu talagaly in dadka ku kala nool degomooyinka isdhexgalaaan, isfahmaan isla markaasna ka wada shaqaeyaan nadaafadda iyo weliba nabadda oo ah tiirka udub dhexaadka nolosha bani’aadamka.
Dhamaan dadka ka hawgelaya hawlaha nadaafadda ee lix iyo tobanka degmo waxaa loo qeybiyey qalab shaqo ay ku qabtaan shaqada nadiifinta magaalada Muqdisho qalabkaasoo kala ah iskoobooyin, badiilo, garweyno, fargeetooyin, danbiilo qashinka lagu guro, gaarigacanno lagu qaado qashinka, sakeelo carrada baabuurka lagu saaro, maqarro iyo baangado lagu gooyo geedaha ka soo baxay wadooyinka kala duwan iyo qalab kale oo inta lagu soo koobi karin.
Degmo kasta waxaa loo qoondeeyey baabuur qashinta lagu qaado oo ku soo shubta meelo loogu talagalay qashin qubka , goobahaasi ayaa waxay ku kala yaaliin Xalane, Waxara Cadde iyo Keysaney.
Ma ahan markii ugu horeysay ee hay’adda SAACID ka hirgeliso barnaamijkan nadaafadda magaaladan Muqdisho waxay ahayd sanadkii 2003 markii hay’adda SAACID ay barnaamijkan oo kale ka fulisay degmooyin ka mid ah magaaladan Muqdisho. Barnaamijkaasi oo tijaabo ahaa, ayna taageereysay uruurka shaqaalaha adduunka ILO ayaa waxaa laga hirgeliyey lix degmo Muqdisho ka tirsan oo kala ah degmooyinka Cabdulcasis, Boondheere, Shangaani, Hawlwadaag, Hodan iyo Waaberi.
Kadib markii lagu guuleystay tijaabadaasi, ayaa hay’adda SAACID oo taageera ka heleysa ururka ILO bilwaday barnaamij kii hore ka baaxad weyn oo isku mar laga wada hirgelinaayo dhamaan lix iyo tobanka degmo magaaladan Muqdisho, kaasoo lagu magacaabo (Employment for peace Project) oo la macna ah ( Barnaamijka Shaqo-abuurista iyo Nabadeynta).
Waxaa jirta in ururka ILO hawlahan oo kale hore uga hirgeliyey dalalka ka tirsan Africa iyo Asiya oo kala ah Koonfur Afrika, Tanzaaniya iyo Maleesiya iyadoo laga gaaray guulo wax ku ool ah.
Waxaan rajeynaynaa in barnaamijkan oo kale laga hirgeliyo gobolada dalka oo dhan si loo soo celiyo caafimaadka guud iyo isdhexgalka iyo nabadeynta bulshada weynta Soomaaliyeed.
Waxaa Diyaariyay: SAACID
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia