Cabdi Qeybdiid oo u waramayay Idaacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa intaas ku daray in ciidamo Ajnabi ah oo Oromo iyo Eritrean isugu jira ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan gobollada dhexe, wuxuuna caddeeyay in isaga iyo ciidamo la socda ay doonayaan in ay ciidamadaas ajnabiga ah ay dalka ka saaraan.
Cabdi Qeybdiid waxaa uu iska fogeeyay in qudhiisa ay gacan siinayaan Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo kale oo maamul goboleedka Puntland uu soo raaciyay kadib markii uu dhawaan kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.
Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa haatan ku wada sugan ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo kale oo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka, waxaana deegaano ku dhow dhow Bandiiradley oo gobolka Mudug ka tirsan laga soo sheegayaa cabsi dagaal.
Maxamed Maxamuud Cagaweyne oo hoggaaminaya ciidamada Maxkamadda Islaamka ee ku sugan gobollada Dhexe ayaa xaqiijiyay in ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay dhici karto in ay ciidamadaas Itoobiyaanka ah ay isku dhacaan.
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia