11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo ku baaqay in xabad lagu bilaabo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

shiikhJimco, August 25, 2006(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta ugu baaqay dadka degan deegaanada ay soo galeen ciidamada Itoobiyaanka in ay xabad ku bilaabaan, si loogu qasbo in ay dalka ka baxaan.

Shiikh shariif waxaa uu sheegay in haddii dadkaasi ay xabadda ku bilaabaan ciidamada Itoobiyaanka ay kaalmo ka heli doonaan Maxkamadaha Islaamka oo garab ku siin doona dagaalka haddii ay bilaabaan.

Shiikh Shariif waxaa uu hadalkan ka sheegay xaflad lagu furayay maxkamad Islaami ah oo ay sameysatay Beesha Silcis Gorgaate, wuxuuna hadalkiisa ku sii daray Shiikh Shariif eedeyn uu u jeediyay Dowladda Itoobiya oo uu sheegay in ay dooneyso in ay qabsato Soomaaliya.

“Dhibaatadii dalka Soomaaliya ka jirtay 16kii sano ee aynu ka soo gudubnay waxaa ka mas’uul ahaa Dowladda Itoobiya, waxaana taas daliil u ah in jabhadihii la dagaalamay dowladii hore waxaa laga soo abaabulay Gudaha Itoobiya, sidoo kalena hubkii faraha badnaa ee dalka soo galay mudadii burburka waxaa uu ka imaanayay Dowladda Itoobiya”ayuu yiri Shiikh Shariif oo wax lala yaabo ku tilmaamay in dowlad Afrikaan ah ay isku daydo in ay qabsato dowlad kale, isagoo intaasna ku daray in dowladda Itoobiya ay dooneyso in ay Soomaaliya qabsato.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).