11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Boqolaal Dadweyne ah oo banaanbax ka dhan ah dib u furista Dekedda Muqdisho ka sameeyay Ceel Macaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 24, 2006(HOL): Dadweyne aad u faro badan oo ka soo horjeeday dib u furista Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa maanta waxay banaanbax ka dhigeen Dekedda Ceel Macaan oo dhowr iyo sodon Km dhanka bari kaga toosan Magaalada Muqdisho.

Dadkani oo u badnaa Xamaaliga iyo Doonleyda ka xoogsada Dekedda Macmalka ah ee Ceel Macaan ayaa waxay ka cabanayeen in la tashi la’aan ay maxkamadaha Islaamka goosteen in ay furaan Dekedda Muqdisho, waxayna qaarkood ku doodeen in ay wanaagsaneyd in dib u furista dekedda Muqdisho lagala tashado bacdamaa ay hanti badan ka gashay qalabka looga shaqeeyo Dekedda Ceel Macaan.

Guddoomiyaha Doonleyda ka xoogsada Dekedda Ceel Macaan oo lagu magacaabo Cabdi Xasan ayaa sheegay in Dekedda Ceel Macaan ay howlo muhiim ah u soo heysay Shacabka Soomaaliyeed muddo dheer, wuxuuna caddeeyay in ay Dekeddaas ku nool yihiin dad uu ku qiyaasay hal Milyan oo ku kala nool Miyiga iyo Magaalada Muqdisho. Cabdi Xasan waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in Dekedda Ceel Macaan ay ka howlgalaan ilaa 380 Doomood oo tan ugu yar ay ku kaceyso qiimo ahaan 32 kun Doollar, tiiyoo weliba qaarkood dhawaan la sameeyay oo haddii laga maarmo howshii ay hayeen ay ciddii lahayd ku imaaneyso khasaaro dhaqaale.

Dekedda Ceel Macaan ayaa la furay sanadkii 1995-kii xiligaasoo ay maamul la’aan u xirantay Dekedda weyn ee Muqdisho, waxaana tan iyo xiligaas oo 10 sano ka badan ay adeeg la taaban karo u heysay Dadka Soomaaliyeed, iyadoo mararka qaarkoodna ay dhici jirtay in badeecooyinka laga soo dejiyay Dekedda Ceel Macaan loo iib geeyo Dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Dhanka kalena, waxaa maanta lagu qabtay gudaha Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho xaflad lagu maamuusayay furitaanka Dekedda Muqdisho, iyadoo halkaasina ay isugu tageen Mas’uuliyiin ka socotay Ganacsatada Soomaaliyeed, Maxkamadaha Islaamka, Siyaasiyiin, Fannaaniin iyo dadweyne aad u faro badan oo u tegay Dekedda in ay soo arkaan sida uu muuqaalkeedu yahay kadib muddo 10 sano iyo dheeraad ah oo ay xirneyd.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).