Sabti, August 19, 2006(HOL): Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ay halkaas ka socoto qaban qaabada sidii loo furi lahaa bangi dhexe oo ay leedahay Dowladda Federaalka.
Wararku waxay sheegayaan in la filayo todobaadkan furitaanka Bangigaas, kaasoo la sheegay in lagu keydin doono dhaqaalaha soo gala Dowladda Federaalka, taasoo horay loogu dhaliili jiray madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geedi in ay dhaqaalaha Dowladda soo gala ku keydiyaan meelo iyaga u gaar ah.
Sii hayaha Xilka Guddoomiyenimo ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Bashiir Ciise ayaa dhawaantan soo gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka diyaarinayo xarunta cusub ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya, walow ay jiraan warar hoose oo sheegaya in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu dhawaantan u magacaabay xilka Guddoomiyenimo ee Bangiga Dhexe, balse aan weli la horgeynin Golaha Wasiirrada si looga ansixiyo, waxaana xilkaas laga qaaday Dr. Maxamuud Maxamed Culusow.
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia