Talaado, August 15, 2006(HOL): Markii horeba waa uu jiray khilaaf Diimeed u dhaxeeya Culimadda Ahlu-suna wal-Jamaaca iyo waliba Al-Itixaad, Kaasoo ah khilaaf aan ku koobneyn Gobalka oo kaliya hase haatee gaar siisan culimadda soomaaliya.
Laakiin marka la eego Gudaha Gobalka khilaafka u dhaxeeya labadan dhinac waxaa uu sii xogeystay Markii la Aas-Aasay Maxkamada islaamiga, oo marka la eego dhinca Culimadda Ahlu-suna Wal-Jameeca aysan u arkin mid Sax ah, waxaana ay dhankooda markiiba ku dhawaaqeen Urur lagu magacaabo Daladda culimada Gobalka Hiiraan.
Waxaase uu xaalku ka sii daray markii dhinaca Maxkamada islaamigu ku guuleysatay in ay la wareegto xaruntii maamulka Gobalka oo marka la soo tago in in ay xarun u aheyd ku gudoomiyaha Gobalka sidoo kale ay ku shiri jeraan culimada ka tirsan Daladda oo qaarkood xabsiga la dhigay kadib markii loogu dhax-tagay gudaha xarunta, waxaana sidoo kale jirtay in lagu eedeeyay ciidamada maxkmadu in ay weerareen Qaar ka mid Culimadda Ahlu-suna wal-jamaaca walow dhinaca maxkamadu ay arintaa Beeniyeen.
Shacabka ku dhaqan Gudaha Gobalka oo markoodii hore si weyn ugu han-weynaa howlaha maxkamada ayaad hadda moodaa in ay aad uga xun-yihiin labada dhinac khilaafkoodii dhinaca Diinta u badalaan Gacan ka hadal dhibaato horseedi kara, gaar ahaan Iyaga oo farta ku Fiiqaya dhinca maxkamada oo ay leeyihiin mar hadii ay ku guuleysatay in meesha ka saarto Maamulkii jiray waxa kaliya ee looga baahnaa in ay tahay in ay soo dhaweystaan Culimadda oo Idil si markaa hal meel looga wadda anba Qaado arinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo ah Tan kaliye ee lagu Nabad-gali karo.
Sidoo kale Fig-raduhu intaa ku darayaan in dhinaca Culimadda Ahlu-suna Wal-jameeca aan loo baahneyn in arinta ay u rogaan Colaad lakiin ay ku dadaalaan sidii wax looga qaban lahaa farqiga jira.
Hadda ayaa waxaa bilaawday dadaalo ay waddaan Uguusyada Beelaha Gobalka ku dhaqan oo ku saleysan sidii loo baajin lahaa gacan ka hadal danbe oo dhaca Nooc-kasta oo uu yahay, waxaana ay kulankii ugu danbeeyay la yeesheen Mas’uuliyiinta Maxkamda oo u muuqda kuwo soo dhaweynaya Figradda ugaasyada ee ah wax walba lagu dhameeyo Wadda hadal.
Ugaas Cali Ugaas Xasan Ugaas Raage oo ka mid Duubabka Gobolka ayaa u sheegay HOL in uu ku Rajo weyn yahay Is-afgarad la gaaro, isagoo intaa ku daray in hadii ay suurta gal tahay xitaa halka ay joogaan ay ugu tagi doonaan dhinca kale si markaa Aqirkii meel laysugu keeno wixii farqi ah ee jira,
Si kataba arrintu ha ahaatee, waxaad moodaa marka laysku geeyo hadal heyta shacabka iyo dadaalada ay Bilaabeen Duubabka dhaqanka mid wax badan ka dabcin doonto xaalada jirta, islamarkaana laga gaari doono arimaha taag tagan is af-garad iyo hishiis buuxa.
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia