Talaado, August 15, 2006(HOL): Xubno ka tirsan golaha maxaakiimta Soomaaliyeed oo booqasho ku jooga magaalada Qaahira ee xarunta u ah Jaamacadda Carabta iyo dalka Masar ayaa sheegay in aaney waxba ka jirin warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Caalamka oo sheegayay in ay Jaamacadda Carabta u gubiyeen codsi dib loogu dhigayo shirka magaalada Khartoum wejigiisa labaad.
Dr. Maxamuud Cali Ibraahim oo hoggaaminaya Wafdiga Golaha maxaakiimta ee ku sugan Dalka Masar ayaa la sheegay in uu xiriir la soo sameeyay Mas’uuliyiinta Golaha Maxaakiimta ee ku sugan magaalada Muqdisho kadib markii ay soo if-baxeen wararka sheegaya in ay sameeyeen dib u dhigis cusub.
Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa shalay si buuxda u caddeeyay in ay tegayaan wada hadallada ay iyaga iyo dowladda Federaalka ku yeelanayaan Magaalada Khartoum bartamaha bishan, iyadoo dhinaca dowladda Federaalka warar aynu ka helnay ay sheegayaan in la soo gaarsiiyay qoraal ay Jaamacadda carabta ugu sheegeyso in ay iska soo xaadiriyaan wejiga labaad ee wada hadallada Khartoum.
Mid ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa u sheegay HOL in ay tegi doonaan kulankaas, isla markaana ay maalinta Isniinta ah ka wada hadli doonaan xubnaha Xukuumadda cusub ee la doonayo in maanta lagu dhawaaqo.
Go’aanada ka soo baxa wada hadallada soo socda ayay wararku sheegayaan in ay u badnaan doonaan kuwo lagu qeybsanayo awoodda maamulka, iyadoo natiijada kulankaasina la sheegay in ay sugayaan Dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya oo shir yeelanaya dhamaadka bishan.
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia