11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Horjoogaha Ciidamadii qabsaday Degmada Ceel Dheer oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen 8 Baabuur oo Tikniko ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, August 15, 2006(HOL): Horjoogaha Ciidamadii ka socday Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ee qabsaday Degmada Ceel Dheer ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ilaa 8 Baabuur oo Tikniko ah oo ay lahaayeen xubno ka tirsanaa Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada, kuwo kalena ay ku raad joogaan.

Shiikh C/llaahi Macallin Mukhtaar oo hoggaaminayay Ciidamada qabsaday Degmada Ceel Dheer ayaa sheegay in ay ku sii fidayaan Tuulooyinka hoos yimaada Degmada Ceel Dheer, sida BudBud, Caws-weyne, Xaaji Iimaan, Masagawaay iyo Degmada Galcad, isla markaana ay dadka deegaanadaas ku dhaqan ay u sheegi doonaan in ay dhamaadeen xuduud beenaadyadii dadka la kala dhex dhigay, haatan wixii ka dambeeyana dadka ay isu gudbi karaan cabsi la’aan.

Dhanka kalena Waxgarad ka tirsan Degmada Ceel Dheer ee gobolka Galgaduud ayaa ku eedeeyay Maxkamadaha Islaamiga ah ee qabsaday degmadaas in ay jir-dil u geysteen xubno ka tirsan dadka deegaankaas oo ay weliba dad mas’uuliyiin ah ku jiraan.

Nabaddoon Muuse Maxamed Afrax, C/llaahi Siyaad Cali, Cabdulle Maxamuud Cabdi Barre oo ka mid ah dadka deegaankaas, una waramayay Idaacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadka degmada Ceel Dheer ay taageersan yihiin Maxkamadaha Islaamiga ah, hayeeshee ay filayeen in la soo wargeliyo marka loo imaanayo, balse sida ay sheegeen wargelin la’aan la qabsaday, iyadoo weliba jir-dil loo geystay xubno ka tirsan dadka deegaanka oo uu ka mid yahay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Ceel Dheer Cumar Xasan Aadan Good oo haatan jiifa Isbitaalka Degmada Ceel dheer, aadna u il-daran iyo madaxii Nabadgelyada ee Hay’adda CISP oo isagana jir-dil loo geystay, inkasoo warkaasi uu beeniyay Shiikh C/llaahi Macallin Mukhtaar oo ah horjoogaha ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee tegay Degmada Ceel Dheer.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).