11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Wada hadal uga furmay Magaalada Gaalkacyo xubno ka tirsan Golaha Maxaakiimta Islaamka iyo maamul Goboleedka Puntland

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, August 14, 2006(HOL): Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in wada hadallo ay halkaasi ku leeyihiin xubno ka tirsan golaha maxaakiimta Islaamiga iyo xubno ka socda maamul goboleedka Puntland.

Wararku waxay sheegayaan inuu magaalada Gaalkacyo haatan ku sugan yahay Afhayeenka Maxkamadda Islaamiga ee Al-furqaan Shiikh Maxamed Cagaweyne, kaasoo la sheegay in uu shirar la qaatay mas’uuliyiinta maamulka dhinaca Koofureed ee magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena uu halkaasi kulamo is-daba joog ah kula leeyahay xubno ka tirsan maamulka Puntland, iyagoo la sheegay in ay ka wada hadlayaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka taagan imaatinka ciidamada Maxaakiimta ee Degmada Gaalkacyo.

Wararku waxay sheegayaan in wada hadallada labada dhinac si weyn la isugu fahmay, iyadoo ay mas’uuliyiinta golaha Maxaakiimtu siiyeen maamulka Putland ballanqaad ah in aaney duullaan ku ahayn deegaanada uu ka taliyo maamulka uu madaxda ka yahay Jen. Cadde Muuse.

Horayna Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa u shaaciyay in aaney Puntland weerari doonin balse ay xaq u leeyihiin in ay xaliyaan dhibaatooyinka ka jira deegaanka Gaalkacyo, halkaasi oo uu sheegay in uu joogo Cabdi Qeybdiid oo ka mid ahaa xubnihii Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ee looga awood roonaaday Magaalada Muqdisho, isla markaana ka wada abaabul dagaal.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).