11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo kan degmada oo aan dib ugu soo laaban gudaha gobolka tan iyo markii lagala wareegay xarumihii ay ku shaqeyn jireen

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin, August 14, 2006(HOL): Gudoomiyaha gobalka hiiraan Yuusuf Axmed  Hagar oo isaga tagay magaalada sacado ka  hor inta aan lagu duulin xaruntii maamulka Gobalka oo u aheyd xafiis uu ku shaqeeyo ayeey wararku sheegayaan in uu Fariisin ka dhigtay Degmada Feer-feer oo uu markii horeba u baqoolay,

Guddoomiyaha oo markii la qabtay xaruntii fariisinka u aheyd dadku isla dhaxmaray in uu wax badan ka og-yahay duulaanka maxkamadu qaaday, islamarkaana ay isku afgarteen in arimuhu sidaa u dhacaan, ayaa hadda warkaasi waxaa uu u muuqdaa mid meesha ka sii baxaya ka dib markii Isaga iyo Gudoomiyihii Degmada Aadan Garaaso  ay isku biireen,  waxaana uu warku intaa ku darayaa in Maalmihii aynu soo dhaafnay uu jiray kulamo u sacday  labada mas’uul iyo waliba saraakiisha Itoobiya ee ku sugan degamada Feer-feer iyaga oo ka wadda hadlaya  xaalada ka soo If-baxday gudaha Gobalka,

Ciidmada maxkamada islaamiga oo  9kii bishan aynu ku jirno la wareegay xarunta maamulka Gobalka ayaa sheegay in ilaalo xoogan ay dhigi doonaan dhinaca Xuduuda islamarkaana aysan jiri doonin cida hadda ku maqan sida ay hadalka u dhigeen gudaha Itoobiya oo soo gashay Gobalka, taasoo caqa-bad ku noqoneysa  dib u soo laabashada labada mas’uul oo xiriir dhaw la leh dowlada Itoobiya,

Xarunta maamulka Gobalka hiiraan iyo waliba tan degmada oo ku wadda yaala hal meel ayaa waxaa ay ahayeen xarumaha kaliya ee ka samata baxay bur burkii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxaana inta badan ay ahayeen xarumo fadhi u ah maamuladii soo maray Gobalka, iyo waliba xitaa maxkamadihii ka horeeyay tan hadda jirta.

Waxaana marka la eego la wareegida maxkamda islaamigu la wareegatay labada xarumood  ay noqon kartaa in maxkamadu inta badan gacanta ku wadda dhigtay hey’addihii maamulka Gobalka kadib markii ay horay u qabsadeen xurumihii ciidamada sida sal-dhigii Booliska Magaalada iyo waliba Xabsigii dhaxe oo hada ah Goob lagu xiro dadka maxkamadu soo qabato,

Si kastba arrintu ha ahaatee,  Isbadalkan cusub ee hadda ka dhacay Gobalka hiiraan ayay dad badan siyaabo kala duwan u arkayaan waxaana marka Nuxur ahaan laysku soo duwo moodaa in shacabku sida arimuhu u socdaan u Riyaaqayo, walwo haddana dadka qaarkii  ay leeyihiin ma waagsana dhaqanka lagu u gaar sanayo culimadii ka tirsaneyd maxkamadii  xukuumadu soo magacaawday oo qaar kood xabsiga la dhigay markii la qabtay xurnta maamulka gobalka halka kuwo kalana la sheegayo in lagu weeraray guryaha ay dagan yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).