10.3 C
London
Monday, October 6, 2025

GUDDOOMIYAHA GOLAHA MAXAAKIIMTA IYO WAFDI KA SOCDA DOWLADDA KENYA OO MUQDISHO KULAN KU YEESHAY

- Advertisement -spot_imgspot_img

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo la filayo in uu Muqdisho yimaado

Axad, August 13, 2006(HOL): Guddoomiyaha Guddiga fulinta golaha maxaakiimta Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa shalay Hotelka Nabadda ee magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday dowladda Kenya oo shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga Dowladda Kenya ee uu hoggaaminayay Xildhibaan Bilow Keerow oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee KANU oo uu wehliyo Muftiga caanka ah ee Shiikh Maxamuud Cabdi Ummal ayaa la soo weriyay in ay mas’uuliyiinta Golaha Maxaakiimta kala hadleen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen kulanka labaad ee ay ku wada hadlayaan iyaga iyo Dowladda Federaalka, wuxuuna Xildhibaan Bilow Keerow uu sheegay in ay u ballanqaadeen Golaha Maxaakiimta sida ay diyaarka ugu yihiin ka qeybgalka wejiga labaad ee wada hadallada Khartoum.

Guddoomiye Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa u sheegay wafdigan in aaney Maxkamadaha Islaamka duullaan ku ahayn dalalka deriska la ah Soomaaliya, isla markaana aaney wax argagixiso ah joogin gudaha Soomaaliya, wuxuuna Shiikh Shariif ka ballanqaaday wafdigaas in ay ka qeybgeli doonaan wada hadallada soo socda ee Khartoum.

Dhinaca kalena wafdigan ayaa hordhac u ahaa imaatinka wafdi uu heerkiisu sareeyo oo ay dowladda Kenya u soo direyso Soomaaliya maalinta berri ah, iyadoo wafdigaasina la sheegay in uu soo hoggaamin doono Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Raphael Tuju, kuwaasi oo la sheegay in ay ku soo hormari doonaan magaalada Baydhabo, kadibna ay uga soo baqooli doonaan dhinaca Magaalada Muqdisho oo ay wada hadallo kula yeelanayaan mas’uuliyiinta Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia


- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).