Magan Daahir Yusuf, oo loo yaqaano “Mucjisada Kubadda Miiska” ayaa ku guuleystay tartan kubadda Miiska (2006) oo lagu qabtay waddanka Talyaaniga
Sida caadada u ah cayaaraha kubada miiska , waxaa sanad walba lagu qabtaa wadamada dunida wadan ka mid ah 12kii ciyaartooy ee ugu wanaagsanaa cayaaraha kubada Miiska.Waxaa sanadkan nasiib u yeeshay in lagu qabto cayaarahaas kubada Miiska wadanka Talyaniga magaaladiisa Vinedcia.
Wadamada ka soo qayb galay ayaa ka kala socday – ITALIA, MEXICO, NEDETHERLAND , NORWEY, BELGIUM, HUNGARAY, GERMANY, CHINA, SPAIN, FRANC, SWEDEN, IYO RUSSIA.
Waxa uu hadaba Mr Magan oo ka socday dalka
Cayaartiisii ugu horaysay oo lagu furay laacib ka soo jeeda wadanka
Waxaa iyana dhanka kale ka soo baxay cayaartooygii ka socday wadanka Talyaniga waa Mr CACI SALVATORE iyo cayaartooy ka socday wadanka Germaney -Mr SHEMSHU.
Cayaarahan oo aad u sii xiisa batay markii la soo gaaray Semifinlekii, ayaad moodaysay in garoonka lasoo buux dhaafiyay , maadaamaa ay cayaarta isugu soo hareen cayaartooydii la sadaalinaayay in ay hantiyaan cayaar wanaaga sanadka 2006
Mr Magan oo aad moodo in uu ku faanayo Somalinimadiisa iyo waliba waddanka uu u ciyaarayo ee
Mucjisadii kubada miiska Mr Magan waxay markiiba fooda isdareen Cayaartooygii ka socday wadanka Talyaniga Mr CACI SALVADORI. Cayaartaas oo runtii dadwaynihii daawanayay ay ilaa iyo maalmihii ugu danbeeyay laga sheekeeynayay sida quruxda badanyd ee ay isku weerarayeen iyo waliba difaaca adag ee uu Mr Magan la soo baxay cayaartaas , isaga oo sida lagu yaqaano ay cayaartiisu u badan tahay weerar. Cayaartiina waxay ku dhamaatay 4-1 oo ay Mucjisadii kubada miisku ay halkaas guushii ku raacday , sidaana uu ugu soo gudbay cayaarta
Mr Magan oon marnaba is dhigan wehliyaana macalinkiisa Girard iyo fisiotarabistadeyda INGRID HEGGE oo ku faraxsanaa heerka ay kaga jiraaan tartanka.
Cayaartii kama dambeysta ahayd ayaa waxaa isku soo baxay Magan iyo Mr. SHEMSHU oo ka socday waddanka
Waxaa isna halkaa ka hadlay Mr Magan oo hanbalyo uga soo jeediyay dhamaan umada somaliyeed meelwalba oo ay ku nooshahay iyo waliba Hiiraan Online oo uu intii ciyaarahaasi socdeen uu ku ciyaarayay magacooda, isaga oo marlabaad ugu mahad celiyay sida sharafta leh ee ay mar walba u soo tabiyaan meel walba oo uu ku ciyaarayo.
Guushaan uu soo hooyay Mr. Magan ayaa waxay sharaf weyn u tahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahweynta jecel Isboortiga. Magan ayaa waxaa uu booqasho ku tagidoona magaalooyin waaweyn ee Europe oo ay ugu soo horeyso magaalada
Inta uu joogo magaalada
Waxaa warbixintaan noo soo diray Mahad Turbashaash E-mail: turbashaash@hotmail.com
Magan waxaad kala xiriiri kartaan E-mailka ah: magan_98@hotmail.com