13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Jubba, Daallo iyo Qusuliyada Soomaaliyeed ee Jiddah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sadex-geesood isu bahaystay dhiig miiradka Umadda







 


 


 


Tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya, dagaalka sokeeyana qarxay howl-wadeenadii dowlada ee hantida qaranka gacanta ku hayey, nin waliba wixii lagaga tegey ee gacantiisa ku soo haray buu xalaalaystay oo hanti gaar ah ka yeeshay.

Hadaba  intii gudaha soomaaliya la joogey waxaan is lahaa waa wax macquul ah oo cid ay ku wereejiyaanba ma hayaane “ha is ka hayeen” sida uu sheegay Eng. Muunye mar laweydiiyey maraakiibta qaranka ee uu isa siiyey waxa uu ka  yeelayo.

Laakiin intayadii qurbaha timid waxaad moodaa in horjoogayaasha kooxaha ee  soomaaliya ka jira kuwo lamid ah (ilmaadeeradood) ay naga soo daba dhoofeen oo naga daba keeneen hawsha isbaaraysashada iyo boobka ee gudha soomaalliya ka wadaan iyadoo ay ku filaan weydey inay Soomaaliya uun ku koobaan howsha.

Markaan u soo noqdo sadex geesoodka dhiig-miiradka ee aan cinwaanka uga dhigay qoraalkan eee Juba airways, Daalo Airlines, iyo Qunsuliyada ina Cilmi Goon-jeex ee Jidda, waxaad moodaa in mid waliba uu samaystay dariiqad uu uga  baayacmushtaro dhibaatada shacabka ayna si midaysan heshiis ugu yihiin inay
isu gaashaan buuraystaaan ummad faqriga iyo colaaduhu halakeeyeen ee aan markii horeba naf badani ku harin – Hadaba markaan sadexdooda kalaqaado.

Juba Airways.

Diyaarad cabdiqaasim la fil-ah oo uu leeyahay ninka ay isku jufida yihiin  Siciid Nuur Giriish  oo ka-fara qabsaday deeqihii soomaaliya loogu deeqay xiligii cabdiqaasim carta madaxweynaha loogu doortay. Diyaaradan oo markaad xafiiskeeda tagto aad dareemayso inaad guri “Beeleed” joogto ayaa shaqada
ugu weyn ee ay qabataa tahay inay dadka u soo dhamyso Cimro iyo Xaj gudha soomaaliya ayna isku soo rakibto dad badan oo aan xataa is oqoon oo rag iyo dumarba leh, kuwaas oo hadhow ay ku adkaato inay is helaan oo si wada jir ah u dhoofaan, kadibna ay dantu ku khasabto inay isu dhibaan saraakiisha
sucuudiga oo tarxiil ahaan iyagoo qaawaan dib loo soo siiraa Jubba oo xidhiid la leh hay’ada tarxiilka sucuudiga.Intaa waxaa u dheer doorka lacagta dadkan masaakiinta ah  laga qaaday ay ku yeelato dagaalka xamar ka holcaya.

Daallo Airlines

Diyaarad khidmad xun oo dad wada xanaaqsani joogaan oo ay wada leeyihiin laba nin oo qolyaha yar yar ee waqooyiga dega ah, Ina Abu Sitta iyo Colaad Gumbuur oo labaduba caan ku ah isku dardarida iyo kharash garaynta aanooyinka qolooyinka ay ku hoos qoranyihiin ee beelaha waaweyn

Markaad tagto xafiiska diyaarada ee Jeddah taasoo koontarka la fadhiisiyey nin Hindi ah iyo wiilal dhalin yaro ah oo soomaali ah oo carabaha ku dhashay oo aan afsoomaaliga si fiican u aqoon, hadii laguu arko inaad tahay qof  koonfurta soomaaliya uu dhashay waxay kugu qaadanaysaa wakhti aan yarayn in cid ku qaabisha oo aad howshaada u sheegato, dhib badan kadibna ayaa laga yaabaas in si yasidi ku jirto wax luguuu suaalo, hadiise aad garato nimanka meesha jooga mid ka mid ah ama lahjada hadalkaaga laga fahmo inaad reer
Burco tahay, waxaa laguu qaabilayaa si diiran waxaana laga yaabaa in diskoon fiiican laguu sameeyo. Intaa waxaa u dheer hawshii dad iibinta ahayd ee ay Jubba ku jirtay oo ayina la wadagaan ayna uga horeeyeenba.

Qunsuliyada ina Cilmi Goon-Jeex

Hogaamiye kooxeedka madaxda ka ah qunsuliyada jidda oo ah nin xanaaq dhow oo “cassabi” ah waa nin war jecel dadkana ku dhex beeray tif-tifyo wararka iyo waxa isaga laga sheegayo u soo tebiya, kuwaasoo ku kala baahsan goobaha soomaalidu isugu timaado. Ninkan qunsul-nimada ka dhaxlay dowladii milateriga ahayd ee uu madaxda ka ahaa Siyaad Bare oo ay isku jilib ahaayeen ayaa samaystay koox koofiyad baclayaal ah oo uu Riyaalaad siyoo usbuucii kuwaasoo ku maaweeliya dhalanteed iyo daba dhilifnimo. Marka aad booqato
xarunta qunsuliyada oo ka dul babanayo calankii buluuga ah ee xidigta shan geeska ah lahaa waxaa indhahaagu qabanayoo koox dhalinyaro soomaali ah oo diifi ka muuqato iridka hore ee laga galo fadhiyo kuwaasoo qofkii soo galo kusoo kala orda iyagoo doonaya inay u buuxiyaan foomka lagu qaato
baasaboorka. Qolka soo dhowyenta ee qunsuliyada waxaa la geeyaa dadka la garanyo ama ay isku beesha yihiin hogaamiyaha, halka dadka intiisa kale lagu hor istaaga afaafka hore oo joogu nin lagu magaaco Abu Hereera oo an nin “Robot” ah oo aan hadal kastoo aad tiraahdaa ka degayn fulinayana amarka uu
hogaamiyuhu faray. Dadka Soomaalida ah oo ubadan dad aan shaqo iyo sharci toona lahay ayay khasab kaga dhigtay Qunsuliyadu inay ka qaado baasaboorkiiba 500 riyaal oo udhiganta $150 iyadoo lacagtaasi ay si toos ah ugasho jeebka ninka qunsulka ah oo isna u adeegsada kukala qaybinta iyo hurinta colaadaha soomalida dhexdeeda ka taagan..Waxaa intaas u dheer Howsha dad iibinta ah oo uu kula jiro labada dayuuradood ee aan kor ku soo sheegay kuwaasoo uu isna sameeyo warqada dalku galka ah (Go Home) oo ka qaado
qofkiiba $70

Waxaa intaas ka daran inay sadexgeeska aan kor kusoo sheegnay ay si wada jir ah ula shiraan ganacsatada iyo dadka ku tabaalaysan wadanka ee soomaalida ah kuwaas oo ay canaan dusha uga tuuraan, iyagoo ilowsan in cida xoogaagii ay haysteen ka furatay ee halka keentay ay iyaga tahay.

Isku soo duubo Soomaaliyi ayaan daranaa kuwii gudaha joogey hoobiye iyo manaxayaan mooryaan ah baa hareereeyey kuwii dibadana ilmaadeeradood baa isbaarooyin taleefon iyo xafiis leh u furtay.


Aloow ferej

Zakariya Naaji
zakinaji@hotmail.com







Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas’uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo – Waad mahadsantihiin 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).