By: C/raxman Ceynte
Jimco,
Sucdi Bashir Cabdi oo ah 26-jir takhasus caafimaad ka baraneysay Jaamacadda Hofstra ee magaalada
Booliisku dhacdadan ugama shakisna wax dambi ah, kumana dhawaaqin is-miidaamayn. Laakiin dadka Sucdi in badan yaqaannay kuma qanacsana ineey tahay qof sidan howtul-hamagga ah nafteeda u qaadeysa. Waxeeyna ka cabsi qabaan in lagu khasbay ineey wabiga isku tuurto.
Quusayaal isticmaalaya doomo qalabeysan ayaa ka goobayey Sucdi biyaha hoostooda Talaadadii iyo Arbacadii. Soomaali badan ayaa iyana ka raadinayey wabiga jiinkiisa (dhinaciisa).
“Inaan sida ugu dhakhsaha badan u helno ayaan rabnaa,” ayuu yiri Cismaan Abdulle oo Sucdi walaalkeed ah.
Sucdi waxeey hore uga qalin jabisay Jaamacadda
Inkastoo aysan sii tafatirin, haddana qoyska Sucdi waxeey sheegeen ineey xoogaa ku walaacsaneyd waxbarashada, kuna daallaneyd. Fiidnimadii Isniinta ayeey
Dhowr saacadood kadib markii la seexday ayeey qoysku ka waayeen qolkii ay jiiftay, kadibna billaabeen raadis qarracan leh. Hal kab oo Sucdi kabaheedii loo maleynayo ayaa subaxii lagu arkay meel wabiga u dhow. Waa caddeynta qura ee illaa imminka la hayo.
Booliiska iyo Soomaalida ayaa qorsheynaya ineey sii wadaan baadi-goobka, inta ruux iyo raq mid uun laga helayo.
Haddii aad wax xog ah ka hayso kiiskan, fadlan kala xiriir Waaxda Nabad Sugidda Minneapolis (612) 673-5701
C/raxman Ceynte
Hiiraan Online