14.3 C
London
Sunday, October 12, 2025

XUSKA LIX IYO AFARTAN GUURADII CALANSAARKA XORNIMO

- Advertisement -spot_imgspot_img


Hordhac









KAANA SIIB, KANNA SAAR





Lix iyo afartan sannadood ayaa ka soo wareegatay goortii British Somaliland ay gobannimada qaadatay. 26kii Juun, 1960kii – waa maalintii gumeysiga Ingiriisku ka kacay qayb ka mid ah shantii gobollood ee Soomaalida, isticmaarradii kala duwanaa ay kala haysteen.


AFTAHAN – Ururka Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta – wuxuu qormadiisaan maanta ku beeggan xuska xorriyadda si gaar ah ugu soo qaadanayaa gabyaagii weynaa ee xisbigii [SNL], Cabdillaahi Suldaan Maxamed. Eebbe haw naxariistee, wuxuu “Timacadde” ku caanbaxay suugaantii gumeysiddiidka. Wuxuu ahaa waddani ruux kasta oo Soomaali ihi, mid hore iyo mid haatan joogaba, jeclaa / jecelyahay. Wuxuu tirin jirey maansooyin waddani ah oo ku salaysan qoomiyad jacayl, qabyaalad-diid iyo qaran dhisid. Wuxuu farta ku fiiqi jirey halkii hadba uu goldaloolo ku arko. Geeraarkiisa caanka ah: “KAANA SIIB, KANNA SAAR” oo uu tiriyey 25kii Juun, 1960kii oo shakhsi kastoo Soomaali ah, carruur iyo cirroolaba, uu dusha ka hayo, ayaa ka mid ah maansooyinkiisa maanta aannu halka ku soo qaadanaynno.


Waxaannu munaasabaddatan ciidda ah, sidoo kale, ku soo qaadanaynnaa maansooyin uu tiriyey, naxariistii Janno Eebbe ha ka waraabshee, abwaankii weynaa ee waddaniga ahaa Maxamed Ismaaciil “Barkhadcas”.


C   I   I   D       W   A   N   A   A   G   S   A   N 


KAANA SIIB, KANNA SAAR!









Daahir Xaaji Cusmaan (Daahir Dhagaweyne) – Xubin dhallinyaradii aasaastay xisbigii gobanimadoonka Soomaaliyeed ee SYL
“Inkasta oo ay wali caqabado hortaagan yihiin ummadda Soomaaliyeed, haddaane waxaa farxad ii ah in aan goob joog ka ahaado Sannad Guuradii 46aad ee Xurnimada Ummadda Soomaaliyeed. Waxaan ilaaheey ka baryayaa in Sannadka soo socda ee 2007 uu rabi nagu gaarsiiyo kheyr iyo nabad. Ilaahow Aamiin”





Cabdillaahi SuldaanMaxamed (Timacadde) [1920 – 73]
Hargeysa,  25kii Juun, 1960


In dhoweydba waa taan salallay,
sadarradaydiiye
Ma safaynnin maansooyinkaan,
saayidkow helaye
Salku leeye ayaamahan ma bixin,
Soonfur dabadeede
Subicii dhammaadaba mar baan,
saari jirey luuqde
Siddo la qabsaduu leeyihiyo,
Subucyo dhaadheere,
Labadaba markuu seego
Wayga surgacantaaye,
Aan safeeyo maanto’e
Tixdii sihatay laabteeye.

Anigoo sebi uun ahoo
Sita leeb iyo qaanso oo
Siigadoon isku aasiyo
Sabo reer ka fogaanninoo
La ii aamminin soofkiyo
Saacan maanta aan joogno,
Gabaygu waygu sugnaayoo,
Suxufiinta dhawaaqdana,
Anigowgu sarreeyaye,
Haddii aan sixi waayo
Ama aan sarsarriigo
Ama aan sarmaseejo
Ama aan ka salguuro,
Amaba laygu saluugo,
Saamiciinta i maqlaysaay,
I su’aala hadhowto!

Ilaahaan waxba seegine,

Subaciisa Quraankiyo,


Sabbaxooyin ku sheegayow!


Saciira iyo Naciima,


Rabbigii kala seerayow!


Markay suurtu dhawaaqdo’e,


La soo saaro makhluuqa


Shaqiga iyo saciidka,


Maalintaad kala soocdo,


Dembigaannu samaynnay,


Rabbigayagow naga saamax!


 


Subciyoo ka dukeeyaye


Sawd kaleetana waa;


Soomaaloo calan taagta


Saakay noogu horreysa oo,


In sidayda tihiin iyo


In kalaanan saxaynnine,


Saddex wiig iyo maalmo


Haddaan soor cuni waayo,


Safrad laygama yaabo


Sarimayso naftayda’e.


 


Saaxirkii kala guurraye,


Sarreeyow ma nusqaamow!


Aan siduu yahay eego’e,


Kaana siib, kanna saar! 


 


Ka siddeetan sabaan,


Calankaannu sugeynnayee,


Sahankiisa ahaynow!


Seermaweydo hillaacdayow!


Sagal maanta darroorayoo,


Siigadii naga maydhayow!


Saqdhexaannu ahaynne,


Kii soo saaray cadceeddow!


Samada kii u ekaaye,


Xiddigaa mid la siiyow!


 


Saaxirkii kala guurraye,


Sarreeyow ma nusqaamow!


Aan siduu yahay eego’e,


Kaana siib, kanna saar!


 


Saalixiinta Islaamku,


Sirta kay ku arkeenow!


Saahidiinta Quraanka,


Subcisaa Jimcayaashiyo


Sibyaanta iyo haweenku,


Calankay sahadsheenow!


Cidina kaanay na siinine,


Saatir noogu yaboohayow!


 


Saaxirkii kala guurraye,


Sarreeyow ma nusqaamow!


Aan siduu yahay eego’e,


Kaana siib, kanna saar!


 


Sankuneefle dhammaanti,


Khalqiga kii u sinnaayee,


Mid saaxiib la ahaynow!


 


Saaxirkii kala guurraye,


Sarreeyow ma nusqaamow!


Aan siduu yahay eego’e,


Kaana siib, kanna saar!


 


Kii saaciddada keenayow!


Sedadu kay ku xidhnaydow!


Sallaankii Istiqlaalkow!


Seyruuqii Afrikaadow!


Siraadkii na iftiinshaye,


Soomaaloo dhan xorreeyayow!


 


Saaxirkii kala guurraye,


Sarreeyow ma nusqaamow!


Aan siduu yahay eego’e,


Kaana siib, kanna saar!


 


Faralka iyo Sunnaa iyo


Wixii diinta ku saabsan


Cad kii na saddexeeyayow!


 


Saaxirkii kala guurraye,


Sarreeyow ma nusqaamow!


Aan siduu yahay eego’e,


Kaana siib, kanna saar!


 


Kii gumeysiga saaraye,


Isticmaarkii sumeeyaye,


Seedihii kogsanaa iyo


Seetadii naga gooyayow!


 


Saaxirkii kala guurraye,


Sarreeyow ma nusqaamow!


Aan siduu yahay eego’e,


Kaana siib, kanna saar!


 


Soomaaloo is cunaysa oo


Isa seegan dhammaannoo


Saqda qaylo dhawaaqdiyo


Sulub laysu cabbaystiyo


Hadba soof la xabbaadhiyo


Sarraaraa demin weydey,


Kii laydhiisu na saaqday,


Kii sadqeeyey qabaa’ile,


Isu saaray gacmaayee,


Saf walaala ka yeelayow!


 


Saaxirkii kala guurraye,


Sarreeyow ma nusqaamow!


Aan siduu yahay eego’e,


Kaana siib, kanna saar!


 


Nimankii na siraayayee


Waax-waax noo kala saaftaye,


Solanaayay cadkeenna,


Innagoo dhexda suunku


Sabarkeenna qarqooray,


Kii sadkeenna cunaayay


Sarartiisa ka muuqdaye,


Surwaalkii ka yaraadaye,


Daaro loo sibidheeyiyo


Sariiraa lagu seexdiyo


Kabadh suuf laga buuxshiyo


Mid baabuurka sifeeyiyo


Sagaal booy iyo kuug iyo


Aayad saarta carruurtiyo


Weliba seeska lahaa,


Kii sabaanka u laabayow!


 


Saaxirkii kala guurraye,


Sarreeyow ma nusqaamow!


Aan siduu yahay eego’e,


Kaana siib, kanna saar!


 


Sowjarkaa hubka qaataye,


Intuu soodhka ku taagay


U diyaara salaantiyo,


Saraakiisha amraysaay!


Sifihii isticmaarka,


Ka siyaadiya maanta


Sibilkeennaan ag joogow,


Sibirtiisa istaaga!


Nin walbaa sigib beelo,


Sarrow taaga gacmaa oo,


Sacabka isku garaaca oo,


Nin walbaa saddex goor,


Subxaanow waa mahaddaa, dheh!


 


DIX DHAGAXEED 


Cabdillaahi Suldaan Maxamed “Timacadde“


 


Gabaygani wuxuu ka mid yahay gabayada ugu caansan ee qabyaalad-diidka ah ee Timacadde tiriyey. Waxayna dad badani u yaqaaniin “Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane”.


 


Indhawaydba dawlaabta gabay, diiri ma lahayne


Duldhabaalihiisaan nebcahay, dalab la’aaneede


Sida roob kaliil hore da’ay oo, dunida maansheeyey


Oo degelka geedaha ka baxay, dow la garan waayay


Oo duunyo lagu soofiyayoo, lagu dabbaalaayo


Anna gabayga waa daajiyaa, sida dir cowleede.


 


Sida faras dagaal lagu galayoo, oon ku dubayoobay


Dib-u-miridda xoolahaa kaluu, kaga dambeeyaaye


Anna gabayga waa daajiyaa, sida dir cowleede.


 


Sida geel dar loo xidhay aroor, daraygi Ceeldheer


Uu laba habeen sii dibjirey, doobki tirinaayey


Ayadoo daf soo tidhi haddii, ceelka lagu daato


Hadduu doqon ma ceejee fariid, daakhilka u boodo


Digta horeba waxay soo horaan, daawida irmaane


Darandoorri bay ugu qabtaan, danabyadoodiiye


Dacda waxay yidhaahdaan biyaha, daad mareenka ahe


Waa laga duljoogaa rag baw, tuban daraaddeede


Durbaba waa ka yaacaa harraad, diif wuxuu qabaye


Demta gorofka waxa laga maqlaa, daaqsin maqaleede


Dixda wuxuu la jiifuu biyaa, nabar durduurtaaba


Markaasay Allaa Daayime, debec salaaxaane.


 


Dadka waxa yaqaannoo dhan bay, miridh ku deeqdaaye


Dib u fuli dareeraa waxay, dacayda saydhaba


Hadba waxay Dallays keliya iyo, koortu danantaaba    


Wuxuu Daabbad le’egow ratigu, doobta badiyaaba


Sidii wuxuu dirrays wada situu, dalabna eegaayo


Markuu duudka simo geelu waa, dawlad gooniya’e


 


Dabuubtiisa gabaygii ka tegey, dihashadiisiiye


Dubaaqayga waataan ka jaray, waa fog dabadeede


Shan kastoo daleed uga baxdoo, nabar is diidsiiso


Debnahaagu shaygay bartaan, waad ku dayataaye.


 


Haddii gole dabbaaldeg iyo faras, loo dalbado maalin


Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo


Uu mid aan daryeelini xakame, daamankow geliyo


Wuu dilin orodkuu lahaa, dalacsi siin waayo


Uu cidhibta darandoorriyuu, duubo madaxiisa


Debcin maayo oo wuxuu ka baqan, inu ka duulaaye.


 


Haddaad adigu daacuun ku tahay, dooddan iyo baacin 


Gacmaha waa ka daayaa ninkii, fuulmo daashadaye


Jeeroon dirayska u geshoon, dibadda soo taago


Daleen aniga iigama tagee, waan dig siin jiraye.


 


Waxan gabayga Deelkiyo laftiyo, doorka uga qaaday


Dadka waxaan ogeysiinayaa, dowgu suu yahaye


Soomaalidaay dayaay wanaag, idinka doorsoonye!


 


Docda Bari dareeriga baddiyo, Seylac darafkeeda


Dusha Koonfureed iyo ilaa, webiga daaciisa


Degmadeenna oo idil haddaan, dayay abwaabteeda


Nimaan duubiyadu naafo noqon, Deelka laga waaye


Dulmi iyo dhac waa waxa kharribay, degelladeenniiye.


 


Dul iyo hoosba waan ugu dhigey, waa dix dhagaxeede


Anun baa damqanayee dheguhu, uma daloolaane


Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane


Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray


Wixii hore u daashaday ayay, degashanaysaaye.


 


Doqonniimo kugu baahday baan, cidi dabiibayne


Duulkii inkaar qaba jin baa, daasadow tuma’e


Dab markuu bakhtiyo meel kalaa, dogob ka qiiqaaye


Waagii dillaacaa naxdimo, dihin la sheegaaye.


 


Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda


Oy duul walaala ah tahay oo, duunka ka heshiiso


Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye


Dubbe madaxa ways kala dhacnaa, daa’in abidkiise


Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo galaye.


 


Ubaxiinnii waad daadiseen, waana dubateenne


Dubaaxdiisa waa wada cunteen, duhur dharaareede


Dariiq toosan Soomaaliday, waa lagaa dedaye


Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela’e


Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti la carrowye


Dugsi ma leh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane


Haddaynnaan xumaantiyo dilkiyo, daynin kala qaadka


Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Ilaahe


Danbarkeedu waa Jahannabiyo, dogobki Naareede.


 


Dir-dir laysu laayiyo intaan, weerar daba joogno


Ee dumarku weerkii sitaan, danabyadii waayay


Debec yaa lahaayeey intaynnu, isugu duulaynno


Uu sida dareemada u yaal, maydku dabadeeda


Kolla doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaanne.


 


QABYO 


Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde) –  [1920 – 73]


 


Gabaygan Cabdillaahi Suldaan wuxuu ka tiiraanyoonayaa dagaallada


maanla’aanta ah ee lixdameeyadii dhexmarayay qabaa’ilka iyo beelaha Soomaaliyeed.


 


Indhaweydba qaadkiisa gabay, qaadi ma lahayne


Wax waliba qisuu leeyihiyo, qir iyo maamuuse


Qawaaniinta maansaduna waa, qalad la’aan sheege


Halkaan xarafku kuu qabanba waa, laga qandoodshaaye


Maansada qaraamiga yar-yar ee, qayliyaa dilaye.


 


Qarka Orobba qaaliga Faraans, qoorriyada Maarsi


Quruxdii Almaan iyo dhulkii, Muuse laga qaaday


Qalcadii burburiyo reerahay, qadaye yeedheysey


Ninna lama qasbine waa qasdiyey, iney qasaaraane.


 


Wuxuu qalinku meeraba markii, laysu wada qaatay


Qabbaa rag isu geeyaye markay, qaraxday baaruuddu


Taangiga qafilan maalintuu, qaatay minawaarku


Qalladdii Jabbaan lagu dhuftay uu, qoob la rogi waayay


Qunbulooyinkii oo kalaan, maanta qubayaaye


Haddaad qaban karaysaan araar, qaaliyaan tirine.


 


Dawladahan laga qayliyee, qaaq wax kaga siiyey


Nin waliba maruu qaadan jirey, qaanso iyo leebe


Qarfo iyo mar buu seexan jirey, qalanqal hoosteede


Ha yeeshee quluub wada jirtaa, qaniya shiikhoowe.


 


Qalalaase meel lagu lumiyo, qaylo iyo oohin


Qorraxdii dhacdaba teennu way, kala qaxaysaaye


Qodob la ridey qudhaanjada gashaa, qoob dad wow halise


Hadduu geed qallalo roobku wow, qamac kaliileede


Dixriga qudhunku uma soo uree, wuuba quudsadaye


Qabaa’il iyo jeeroo la naco, qaadkan lagu waashay


Qasdi jeerey wada yeelatoo, qawlka ku heshiiso


Qabyo weeye Soomaalidaay, qiiradaadaniye!


 


Nin qalbi la’ Quraan kii u akhriyey, “Qaaf“ dheh ku harraadye


Kutubaa sidii lagu qarridhay, qiil la’ Aakhiro’e


Qayrkii ka hadhe waa ninkii, qalay walaalkiiye.


 


TALEEX 


Cabdillahi Suldaan Maxamed (Timacadde)


 


Maansayahanku wuxuu gabaygan tiriyey hanashadii gobannimada ka hor. Halkan wuxuu kaga hadlayaa waxyeelada qabyaaladdu u leedahay bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu xusayaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan halgankiisii xorriyaddoonka siduu reer-reersigu  xilligaa u wiiqey.        


 


 


Tirtirsiinyo Soomaali waan, looga taag heline


Sayidkii Taleex degey markay, turunturraynaysay


Haddaad maalintii taabacdaan, tani ma joogteene


Anaa kaa tol roon waa waxaad, u taraqi weydeen.


 


Tawalleeye bani’aadamkii, taag darraan jiraye


Tulud geela awr roorsday baad, isu timaadaane


Toddobaatan alif baa ku lumay, ma i taqaanaaye


Cadaawaa raggii tiirin laa, weydinkii tiraye


Kelidey intaan tebey ka badan, tiriyo dheeraade.


 


Tiibiidu Soomaalidaay, maaha tiif cudure


Tallaalkeedu waa noloshaan, taabi la’nahaaye


Markaad toban qaddaa baa wadnaha, dhiig ka tegeyaaye


Isticmaarkan tamashlaynayaa, tuubbo loo sudhaye.


 


* * *


 ALBAABKA II XIDHA! 


Maxamed Ismaaciil (Barkhad-Cas) –  [1925 – 62]


 


Maxamed Ismaaciil, Eebbe haw naxariistee, wuxuu ahaa hal-abuur weyn oo waddini ah. Heestu wuxuu curiyey 1958kii, kol inta abwaanka loo yimid oo lagu dhiirrigeliyey in uu hees ammaan ah u tiriyo Boqoradda Ingiriiska adeerkeed oo markaa booqasho gaaban ku yimi Hargeysa.   


 


Awowgey ninkii indhaha tirey,


Ninkii aabbahay addoonsaday,


Ninkii anigana i iibsaday,


Ninkii ifka igu adduun tirey,


Iidaan li’i baa ishaa i bidee,


Haddaan ogohoon ka aarsan karayn,


Haddaan, Aadanow, unuunka jarayn!


Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee,


Aan ooyee albaabka ii xidha!


 


Isagoo Iglan jooga buu i diloo,


Ushuu soo fidshaa i iimaysoo,


Waa taa aramidu i oofa tirtee,


Asaag li’i baa ishaa i bidee,


Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee,


Aan ooyee albaabka ii xidha!


 


Arladii ka samroo adduun ma hayee,


Haddii la ilaashay afkaygii,


Haddaan ikhtiyaar aqoontay hadlayn,


Haddaanan erey qudha shirkaa odhanayn,


Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee,


Aan ooyee albaabka ii xidha!


 


Wixii arrineen Ilaahay jecleyn,


Haddaanan addimada ku oolin karayn,


Aayaadka Quraanka wada aragtoo,    


Udgoonena yidhi “Indhaha ka qarshee,“


Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee,


Aan ooyee albaabka ii xidha!


 


Ugaadha ninkii dhaqdee ururshaa,


Ruuxii eegayaa adduun ka baxshee,


Raggiinnii ogaa horruu u arkee,


Ninkii ooridiisa u geynayow,


In keeg iyo shaal ayuu ku arkine,


Iimowdey axankaaga weynee!


 


Libaaxa Annayiyo Abaarso ka ciyey


Abuuriin lo’da joogta baa urisee,


Oodday jebisaa in ay u dhacdoo,


Anshaxuu ka guraa idilkeed,


Waa kaa Ingiriis iidahayee,


Idinna u dabbaaldegoo adhiyahow!


Ayaanu ninna odhan “Soomaalaan ahee,“


Ordoo magacana ka iibsada!


 


GOBANNIMO IYO GALOOL 


Maxamed Ismaaciil (Barkhad-Cas) –  [1925 – 62]


 


Diintaan ku gabowney baan gambinnee,


Ayaan cidi guursan gabdhaheennee,


Soomaaliyey giddigiin gartaa naqa oo,


Maxaa la gudboon oo garab yaal oo,


Maxaynnu gobannimada siinnaa?


 


Nin iilka galaa isagoo gob ah,


Luxudkuu ku gam’aa ma soo gudbiyee,


Idinkoo gun ah waydinkaa go’ayee,


Soomaaliyey giddigiin gartaa naqa oo,


Maxaydin ku garawsan geerida?


 


Hangool iyo gudin gar iyo xadhig,


Aqalkaa la galiyo dhuxusha giniga ah,


Geedkaa ina deeqey gebigeen,


Gadniin Iglan goosan kari maysee,


Soomaaliyey giddigiin gartaa naqa oo,


Galoolka maxaynnu siinnaa?


 


Wuxuu galo iyo wuxuu gudo,


Gasiirad kuwaa go’doon ku noqdee,


Isguud baxay baa dal garanaayee,


Inaan ku gargaarno gaalada iyo


Inaan ka guddoonno Guullahay,


Mid uun labadaa inoo gooyoo,


Soomaaliyey giddigiin gartaa naqa oo,


Maxaynnu geyigeenna siinnaa?


 


* * *


 


CALANSAAR 


Cabdi Iidaan Faarax


 


Abwaanku gabaygan waxa uu tiriyey 26 Juun 1960 habeenkii ay Soomaaliya xorriyadda ka qaadanaysey gumaysigii Ingiriiska. Waxa uu ka tiriyey Beerta Xorriyadda ee Hargeysa oo calanka lagu saarayey.


 


Waayadanba gabaygii ma odhan idibilkiisiiye
Ma aloosin maansooyinkii aan aaladayn jiraye
Waatii aan albaabada u xidhay tan iyo Iidiiye
Amin dhexe xalay uun bay hurdada ina ka muuqdeene
Aan alooso maantoo kalaaan ku istihaadaaye


Kolbaba wixii Ilaahay kuu gartaad ku intifaacdaaye
Abaal kaa maqnaan jiray hadduu Eebo kuu celiyo
Amaah raagtay dabadeed haddii aadyar lagu siiyo
Alxabdulilaah waa kuu banaan inaad odhaahdaaye

Istiqlaalka nala siiyey iyo amarka lay dhiibay
Afrikada xorawday iyo nasriga uunka wada gaadhay
Amin qaybta fiidka iyo saqdiyo oogta waaberiga
Iridaan ka meeraba kolkaan ku arko guudkayga
Inaan anigu keligay helay ila ahaataaye


Ayaan kaa lakala roon yihiyo ubudka xoolaaye
Inagaa aleylehe ka dhigan awliyoo kale’e
Inkastaba haddii lagu noqdoo abid la raacdeeyo
Ayaan inoola mid ah waa waxaan odeyna sheegayne
Axadii iyo Jimcii baan ninkii jirey ilaaabeyne


Arsaaqdii la raacdaynayey iyo waxaynu eegeynay
Inta badan hashii lagu dabcay ee awrka loo tu’iyey
Afarta iyo hashii toban bilood inanku raacaayey
Aloos curatay Soomaaliyey idil ahaanteene
Irmaanaatay Maandeeq haddii aad iman lahaydeene
Afarta naas waa hoorayaan sida iliileede
Aagaamihiyo dhiilashaan aad u culanayney
Ka ammuuga waataa muddaba umalsanaydeene


Afartaana waxuun lama eryee maysu wada eegay
Ma asteeyey beyd gaabku waa kala ilaabaaye
Sidii ilo biyalahoo rogmaday ma u eekeysiiyey
Anbaqaadka hadal runta u eeg baa lagu asiibaaye
Argagixiso waan tirin jiree erey yar baan baanay


Adduunkii ka kala qaadi jirey lays ammaan geliye
Isku darada soomaalidaan ku istareexaaye
Dadkeenii la kala oodi jirey wada akhwaanawye
Abtirsiintii tuurnay iyo aano reer hebele
Sidii geel abaar kala firdhaday laysu soo ololye
Ardayna macallinkii wax u dhigay aabo waw yahaye
Abaal baanu marin kii xornimo noo abaabulaye
Rabiyaw noo adkee calanku waa ururin doonaaye


 Allaa mahad leh


 


Diyaariye: Maxamed Xasan (Alto)


Tafatire: Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)


www.aftahan.com  ama www.aftahan.org

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).