15.2 C
London
Friday, October 10, 2025

Wabarkii 12aad ee Beesha Jajeele oo lagula caano shubay Deegaanka Quracle Wabare oo ka tirsan Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img


Sabti, July 15, 2006(HOL): Masaasab si weyn loo soo agaasimay oo muddo 5 sano ah kadib lagu caleemo saarayay Wabar Geedi Wabar Xasan Wabar Kutubow ayaa lagu qabtay deegaanka Quracle Wabare oo dhica Galbeed kaga beegan Magaalada Beledweyne 75km.



 

Munaasabadda Caleemo saarka oo ahayd mid qeyb ka ah dhaqamada Beelaha Soomaalida ayaa waxaa ka qeyb-galay Ugaasada iyo Duubabka dhaqanka Beelaha Dega Gobolka Hiiraan, iyadoo sidoo kalena ay goob joog ka ahaayeen odayaal iyo Waxgard ka kala yimid Gobollada Dalka, iyo Is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya.

 

Caan Shubka Wabarka Beesha Jajeele – Quracle Wabare


Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo hogaaminayay Xubnihii ka tagay Gudaha magaalada ee ka qeyb-galay Munaasabada caleemo saarka ayaa ka hor inta aan la duubin Wabarka waxaa uu ka soo sheekeeyay dhaqamadii iyo Astaamihii u lahaa Wabarka Cusub Abihii Wabar Xasan Wabar Kutubow oo ku tilmaamay in uu ahaan shaqsi ku caan baxay Nabadda iyo sidii looga shaqeyn lahaa xoojinta daris wanaaga Gobollada kale ee dariska la ah Gobolka Hiiraan, waxaana uu dhanka kale ku tilmaamay in uu ahaa Wabar si weyn looga qadariyo gudaha Gobolka.

 

Ugaas C/raxmaan ayaa intaas kadib kula dardaarmay Wabarka in uu noqdo mid ku sifooba astaamihii uu lahaa Aabihiis, iyaguna ay gacan buuxda ku siin doonaan sidii uu xilkiisa u gudan lahaa. Marka aad eegto Qaabka caleemo saarku u dhacay waa mid markiiba ku soo jiidan karta maadaama Beelaha Soomaalidu ku kala dhaqan duwan yihiin Qaabka Duubka.

 

Wabarka ayaa markii laga soo saaray Aqal Soomaaligii uu ku jiray waxaa la fadhiisyay Kursi uu ka hooseeyo Masale amaba (Darin) kadibna waxaa lagu shubay 12 Haamood oo caano ah, marka dhan laga eego ah dhaqan inta badan aya isticmaalaan Beeluhu marka ay ku guda jiraaan xaaladdan oo kale, waxaana intaas kadib lagu celiyay Aqal Soomaaligii, iyadoo mar kale lagu soo celiyay goobtii ay fadhiyeen Ugaasyada isagoo xiran dharkii lagu yaqiinay Ugaasyada amaba Wabarrada.

 

Hadal uu jeediyay Wabarka cusub ayuu ku sheegay in xilkan amaba amaanadan loo dhiibay uu u gudan doono sidii uu Ilaah raali ka yahay isla markaana beesha caleemo saaratay uu ku dhaqi doono sida shareecadu raali ka tahay, isagoo ka fogaan doona wax kasta oo keeni kara Dulmi iyo xad-gudub.

 

Halka munaasabadda caleemo saarka Wabarka lagu qabtay oo ah Geed Qurac ah hoostiisa ayaa la ii sheegay in uu yahay geed lagu xuusuusto oo kale Duubista Wabarrada oo aad magaciisa ka garan karto (Quracle-Wabar) waxaana tusaale ahaan la soo qaadan karaa Daharo Ugaas oo ah Goob lagu caleemo saaro Ugaasyada oo kaliya oo iyana ah magac bixin xiisaheeda xambaarsan.

 

Abdullahi Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beled Weyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).