![]() |
Qore: Dr. Cabdirixiim Xaji Yahia
Waa kitaab si cilmiyeysan u soo bandhigaya xiriirka luqadeed ee ka dhexeeya afafka Soomaaliga iyo Carabiga.
Sidoo kale kitaabkaan(iyo xubnihisa kale) waxaa loogu tegayaa kumaankum erayo ay taariikhiyan labada af wadaageen, ha yeeshee afka Carabigu dhumiyey, Soomaaligase weli ku dhex leh adeegsi firfircoon xatta carurta ee ku hadlaan. Erayadaas, oo qaarkood weli ku sugan yahay af Carabiga fasiixa ah oo ka dhex muuqda Quraanka iyo axaadiista Nebiga (SCW) iyo weliba suugaanta Afka Carabiga, adeegsigoodu wuu ka suuley lahjadaha afka Carabiga ee waqtiga xaadirka ah lagu hadlo.
Erayadaas qaarkood waxay afka Carabiga ka mid ahaa waqtiyadii Casri jaahiliga ee aan Islaamku soo degin, dabadeedse way ka dhumeen, waxayse weli afka Soomaaliga ku dhex leeyihiin adeegsi firfircoon.
•Guud ahaan buuggaani wuxuu saldhig adag eebalaaran u noqon doonayaa baaris cilmiyeed kasta oo laga samaynayo xiriirka taariikheed iyo kan afeed ee afafka Soomaaliga iyo Carabiga iyo weliba isa saamaynta Carabta iyo Soomaalida.
•Qoraha Buuggu waa Dr. Cabdirixiim Xaji Yahia.
•Dr. Cabdirixiim wuxuu shahaada sare ee Ph.D. ka qaatay Jaamacadda waddanka Suudaan ku taal, wuxuuna ku takhasusay afka Carabiga (Balaaqada Quraanka).
•Qoruhu wuxuu xubin ka yahay hayado caalimi ah sida
•Majmac Al-Luqa Al-Carabiya fil Khartoum (Golaha afka Carabiga ee Khartoum)
•Raabidatul Caalamiya Lil Adab Al Islaami (Xiriirka caalamiga ah ee suugaanta Isalmiga). •Wuxuu agaasime ka yahay waaxda Kutubaha iyo Joornaalada ee Jaamacadda Carbeed ee Naif ee Culuumta Amniga – Riyadh( Naif Arab University for Security Science -Riyadh).
•Qoraagu markuu kitaabkaan qorayey wuxuu cilmi-baaris ku sameeyey suugaanta afka Carabiga iyo balaaqadiisa.Waxuu ku qooraa Joornaalada carbiga.
Guud ahaan wixii faahfaahin ah waxaad kala xiriirtaa: yarahim99@gmail.com yarahim99@hotmail.com