Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Dhowaan safar dheer ayaa iiga billawday( St. Paul International Airport Minneapolis ) dhowr tarinsi (several transit) ka dib dayaaraddii aan la socday waxay caga dhigatay garoonka caalamiga ee Somalia Muqdishu International airport. Waxaa xusid mudan rakaabkii la socday dayaaraddaas, markii uu duuliyihii dayaaradda uu yiri” Mudanayaal iyo marwooyin ku soo dhowaada Muqdishu international Airport” in badan oo ka mid ahayd rakaabkii ay farxad aawadeed indhohooda ilmo ka soo daadatay qaar kalena ay Salaatul shukri ku dukadeen garoonka dhex-diisa. Farxad taas la mid ah waxay ka muuqatay dhammaan dadka heer Muqdishu oo 16 sano aan arkin Dayaarad ku soo degeysa garoonka caalamiga ee Muqdishu Airport. Gaar ahaan waxaa argagax ka muuqday dhalin-yarada dadoodu u dhexeyso 10 ilaa 20 sano oo aan horey u arag Dayaarad degeysa.
Mas’uuliyiin sar sare iyo qaar qaraabadayda ka mid ahaay oo igu sugaayay garoonka ayaa ii soo galbiyay magaalada, waxaa la isoo marsiiyay wadadda isku xirta Airport-ka iyo No.4, hotel Naasahablood, xeradii Afisyooni oo Ari dhex daaqaayey, Dekeda Weyn ee xamar, Kawaankii Malayga oo ay dhoob-naayaan Eeyo duur fara badan ( Wild Dogs), hotel al Curuba oo ay ka dhex muuqdeen Dameero iyo lo’ herta-meysey , Jubbo oo noqotay jiq baahalo galeena, Beexaani oo bur bur xoogan ka muuqday ugu danbeystii waxaa la i geeyay gurigii la iigu talagalay oo aad ugu dhowaay Ramadaan Hotel.
Si aan u helo xog dheeraada, maalintii labaad waxaa la i marsiiyay meelihii ay ka dheceen dagaaladdii ugu ba’ney ee Muqdishu ku dhex-maray Maxaakiimta Islaamiga oo Rabbi u hiiliyey iyo Dagaal oogayaashii laga awood roonaaday. Goobaha la i marsiiyey waxay kala ahaayeen:- Sii Sii, Baqale, Sheekh Cali Cabdulle, Galgalato, Ceel Cadde iyo Ceel Macaan. Akhristo iga aamin meelaha qaarkood waxaa wili ka uraayey Baaruudii la isku riday ee dagaalka hal-kaas ka dhacay adiguba qiyaas.
Maalintii seddaxaad (3) waxaa la ii weday magaalada dhanka koofurta ugu horreyntii waxaa la i geegay Hoteelka Nabada oo si heer sare ah la iigu soo dhoweeyay, waxanna kula kulmay hal-kaas Aqoonyahano iyo Ganacsadayaal isugu jiray Waqooyiga iyo Koofurta Muqdishu oo ka gudbey dhibkii iyo colaadii soo kala dhex gashey xilligii Gen. Mohamed Faarax Ceydiid uu xukun jecelyn xirka goyska la ahaay.
koofurta meelaha kale oo maalintaas la i geeyey waxaa ka mid ahayd Suuqa weyn ee Bakaaraha oo runtii aad & aad u bilic-sanaay oo aan dhihi karo Dubai yarey ( Mini Dubai) balse ay haysey waddooyin xumo ba’an sidookale waxaa ley-geeyey Hotel Naasahablood oo aan kula kulmay mulkiilayaasha Hotel=ka iyo Prof. Abdi Ismail Samater oo booqasho ku joogay Muqdishu xilligaas.
Maalintii afaraad (4) waxaan magaalada ka tegay meela fara badan oo kala duwan si aan u soo uruuriyo ra’yiga dadweynaha ( Public Opinion) runtii dadweynaha Muqdishu waa ku kala qeyb-sanaayeen guulaha Rabbi gaarsiiyey Maxaakiimta Islaamiga balse waxaa badnaay inta taageersan oo aan ku qiyaasi karaayo 87% oo ku leh mar haddii la helay Nabad gelyo iyo kala danbeyn la la’aay 16 sano, insh’allaahi inta dhiman tar-tiib tar-tiib ayaa loo heli-doonaa ee nabada Allaha raajiyo.
13% ka biyo diidsan guulaha maxaakiimtu gaartay kuwooda ah indheer-garad (intellectual) waxay ku jiraan sug oo arag ( wait and see) waxayna iska illaaliyaan in afkooda laga helo wax xumaan ah ( precaution any blurtout) balse kuwa aan la leex leexan waxa qalbigooda ku jira waxay leeyihiin”qaar ka mid ah xubnaha sar sare ee Maxaakiimta Islaamiga lug baa u laaban oo wata qorsho fog ( long term strategic) waxaa kaloo ay ku andacoonayaan kuwa ka soo hor jeeda guulaha Maxaakiimta Islaamiga:- Xukunka Maxaakiimta maxuu u dhaafi la yahay Xamar, Jowhar iyo qeybo yar oo ka mid ah Goballadda dhexe? Maxaa looga leex leexanayaa Maxkamad ka furidda G/Sh Hoose oo la dul deganaay in ka badan 14 sano?. Waa maxay sababta hub hor leh looga iib-sanaayo Suuqyada Xamar iyo Goballo ka mid ah dalka?.
Si aan jawaab ugu helo su’aalaha kor ku xusan, waxaan la xariiray xubno sar sare oo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga waxayna ii sheegeen in aan waxba ka jirin waxa ay sheegayaan. Mas’uuliyiintu waxay ku tilmaameen kuwa warka xun meelaha la wareegaaya in ay yihiin Cadawga Islaamka, maalinna uun lala xisaabtami doono. Mas’uuliyiintu waxay ii sheegeen in dhammaan golaha Shuuraddu ku hishiiyeen Kitaabka Alle oo ay isu haayaan kalsooni buuxda 100%. ( optimism)
Arrintu haddii ay sidaas tahay” Xamar waa la xureeyey ee xirtu yay gadaal ka xummaan”
Ugu danbeystii waxaan hal-kaan ammaan ugu soo gudbinaayaa Maxaakiimta Islaamiga. Gaar ahaan:- Sheekh Shariif Sheekh Axmed, heer Xaji Cumar Caddaan Caamir iyo Mas’uuliyiinta sar sare ee Shirkadaha Rowda iyo Waafi oo si diiran iigu soo dhowaayay Muqdisho, Soomali.
Wabilahi Towfiiq.
Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas’uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo – Waad mahadsantihiin |